Garoowe: Dowladda hoose oo hagaajinaysa Suuqa Injida

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Dowladda hoose ee degmada Garoowe, ayaa saaka bilowday qorshe ay ku hagaajinayso wajahada hore ee suuq weynaha Injida kaasoo ay si weyn uga tukaamaystaan shacabka caasimadda Puntland.

Suuqaan ayaa nadaafad darro baahsan soo wajahdaa xilli roobaadka iyadoo ay fariistaan biyaha xilli ay ka jirto saxmad xooggan.

Dowladda hose ayaa saaka fulisay howlgal bannayn ah iyadoo cafag la galiyay dhammaan waxyaabihii ka horeeyay suuqa, waxaana la sheegay in shub laga dhigi doono si aysan biyuhu u fariisan.

Howlgalkan oo bilowday xilli muddo kooban uu joogo Guddoomiyaha cusub ee degmada, Axmed Ayax, oo kulamo joogta ah la qaadanayay bulshada qaybaheeda kala duwan, ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay qorshayaal uu ku dar-dargalinayo bilicda magaalada.

Xoghayaha dowladda hoose oo saaka ka hadlayay howlgalka ka bilowday suuqa Injida ayaa sheegay inuu qaadan doono dayactirkan iyo hagaajinta afaafka hore ee suuqa muddo Asbuuc ah, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay gacan ka siiyaan sidii howshaas loo fulin lahaa.

Dhinaca kale, Maayarka cusub ayaa dhawaan sheegay in mudada uu joogo ka shaqayn doono hormarka magaalada, wuxuuna isla todobaadkan $20.000 oo dollar ugu deeqay guddiga loo xilsaaray dhaqaale aruurinta garoonka Mire Awaaare.

Isla todobaadkan olole nadaafadeed ayaa dowladda hoose ka samaysay magaalada Garoowe, waxaana tallaabooyinka imaanayaan xilli lagu guda jiro Waqti roobaadka Gu’ga.

Duqa degmada Garoowe, ayaa haysta muddo 45 cisho ah oo ka horaysay inta laga helayo gole deegaan oo rasmi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Ka Digay Qorshe Shisheeye oo Looga Faa’iidaysanayo Burcad-badeedda Soomaaliya

Wuxuu ugu baaqay shacabka Puntland iyo beesha caalamka inay taageeraan dadaallada lagu xakameynayo burcad-badeedda.

  • Puntland

    28-08-2026

  • 07:06PM

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM