​GAROWE- 50 codsadayaal shaqo imtixaan u fariistay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Hay’ada Shaqalaha Rayidka ah ee Dowladda Puntland (Puntland Civil Service Commission) ayaa qaaday imtixaankii Madaxqaybeedyadaiibka(Procurement Head Units) ee Hay’ada iyo Wasaaradaha ka faa’iidaysanaya mashruca tayeeynta iyo shaqaalaysiinta qaybo ka mid ah hay’adaha Dowladda, mashruucaas oo uu maalgelintiisa bixiyey Bangigu addunka, ayna fulinayso Dowladda Puntland.

Dadka laga qaaday imtixaanka ee u tartamayay shaqooyinka bannaan ayaa ah dadu badan dhalinyaro aqoonyahay ah oo wax ku bartay jaamacadaha dalka iyo dibadaba, waxaana lagu kala xulayaa natiijada uu qof waliba ka keeno imtixaanka maanta laqaaday.

Munaasabada lagu daahfuray imtixaanka laga qaaday dadka shaqooyinka soo codsaday ayaa waxa goob joog ka ahaa dhammaan laamaha Dowladda Puntland ee u xilsaaran imtixaan qaadista.

Guddoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Rayidka Mudane Mustafe Said Shabac oo daah furay imtixaanka ayaa sheegay in shaqooyinka  ka bannaan Dowladda ee tartanka loogu jiro ay yihiin 9 boos, kuwaas oo uu sheegay inay imtixaam u galayaan 60 qof.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in shaqooyinkan ay hore ugu soo bandhigeen bulshada, si buu yiri dadku ugu wada faa’iidaystaan.Waxa uu intaasi si raaciyey in  tartanka caynkan ahi uu la mid yahay tartamadii aqoonta ku dhisnaa.

Imtixaankani wuxuu qayb ka yahay balanqaadkii Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee ahaa in shaqooyinka dawladda soo dhajiso,dadku u sinaan doonaan loona galidoona imtixaam furan oo u dhaca si hufnaan iyo sinnaan ah.

Maaha markii ugu horaysay ee imtixaan laga qaado shaqaale codsaday boosaskii dhawaan la xayaysiiyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM