Puntland: Banaanbax ka dhacey Garowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo qaar kamid ah golaha xukuumadda ayaa maanta ka qayb galay banaanbax lagu taageerayay mowqifka Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ka istaagay go'aanka laga soo saaray shirka madaxda Somalida ee magalada Muqdishu.

Isu-soobaxan oo ka dhacay Fagaaraha Garowe caanka ku tahay ayaa waxaa soo buux dhaafiyay boqolaal dadweynaha qaybihiisa kala duwan isugu jira, kuwaas oo watay boorara lagu xardhay erayo ka dhan ah nidaamka wax ku qaybsiga beelaha ee 4.5.

Mas'uuliyiin katirsan dowladda, maamulka gobolka Nugal iyo kan degmada Garowe oo shacabka lahadlayay ayaa sheegay in habka wax ku qaybsiga beelaha usaan meelna kasoo galin waxyaabaha uu qorayo dastuurka dalka Somalia, iyagoo ku sifeeyay inuu ahaa arrin waqti adag oo lasoo maray loo arkayay xal, balse haatan aan loo baahnayn.

Qaar kamid ah shacabka Garowe ee banaabaxa ka qayb galay oo aragtidooda weydiisay Radio Garowe, ayaa tilmaamay inaysan qaadan doonin 4.5, halka qaybtood dhaliil usoo jeediyeen Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud oo ku eedeeyeen faragalinta dastuurka iyo tumashada waxyaabaha lagu hishiiyay.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey oo kasoo qayb banaanbaxa lagu xoojinayay go'aanka dowladda ayaa dhankiisa taageeray mowqifka Puntland ee ku aadan arrinta Somalia gaar ahaan doorashada 2016 qaabka loo wajahayo, wuxuuna sheegay in lix magaaloo oo katirsan Puntland shacabkooda aragti laga aruuriyay, sidaas darteed aysan marnaba qaadan doonin 4.5.

Banaanbaxan kuwa lamid ah ayaa Madaxdu sheegeen inay ka dhacayaan magaalooyinka waaweyne ee Puntland, waxayna kusoo beegmeen xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay habka loo maaraynayo doorashada 2016 gaar ahaan soo xulista Xildhibaanada badali doona kuwa haatan shaqeeya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM