Garowe :Barakacayaasha oo xaaladooda laga deyrinayo

Image

GAROWE- Waxaa laga soo dayrinayaa xaaladda barkacaayasha magalada Garowe kadib markii ay booqdeen mas'uuliyiin ka socda dowladda Puntland.

Tirada dadkan oo 300 kor u dhaafaysa ayaa lagu soo waramayaa inaysan haysan taakulo iyo cid si gooni ah ugu taxaluqda wax ka qabashada baahiyahooda.

Gudoomiyaha urur ay samaysteen dhibanayaashan oo lagu magacaabo Shugri Maxamed Ciise ayaa sheegtay inay aad u dhibanyihiin, waxayna dowladda Puntland gaar ahaan madaxweyne Gaas ka codsatay inuu u yimaado oo xaaladooda wax ka qabto.

Nafada kusugan xerada ALLAA Wakiil kuma koobna barakacayaal oo qura, balse waxaa wasaaradda arrimaha gudaha Puntland sheegtay inay ku jiraan kuwa u dhashay Puntland.

Wasaaradda ayaa ka codsatay bulshada Somaliyeed, beesha caalamka iyo hay'adaha samafalka inay wax ka qabtaan xaaladda dadkaasi gaar ahaa dhanka caafimaadka.

Deegaanada Puntland waxaa kusugan dad Somali ah oo kasoo barakacey dagaaladii sokeeye ee Somalia kuwasoo tiradooda kor u dhaafeyso 300,000 qof waxaana aad u liita xaaladooda caafimaad iyo daryeelka kale ee bulsho. 

Halkan ka dhageyso

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM