Garowe: Kalfadhiga Barlamanka oo lagu dhaliilay amniga guud ee Puntland

Image

MUQDISHU, Somalia- Barlamanka Puntland oo weli ku guda jira kalfadhiga 39-aad ayaa maanta ka dooday xaaladda guud ee amniga Puntland waxaana arrimha hareeyey kulkaan ka mid ahaa; Mushahaar la’aanta ciidamada ee sababay gadoodyadii ka dhacayay magaalooyinka,weerarkii Af-Urur, dilalka qorshayn iyo qodobo kele.

Kulankaan oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha Barlamanka Puntland, Axmed Cali Xaashi aya inta badan xubnaha hadlay waxay xukuumada ku dhaliileen inay ku fashilantay ammaanka iyagoo tusaale u soo qaatey magaalada Ganacsiga Puntland ee Bosaso oo ay shegeen hareeraha iyo gudaha-ba in ay ku jiraan kooxaha amaanka lidiga ku ah.

Qaar ka mid ah Barlamanka oo hadlayay ayaa soo jeediyey in la helo cid qaada masuuliyada weerarkii Af-Urur iyagoo xusay inuu qaato Taliyaha guud ee ciidamada oo ah Madaxweynaha Puntland amba la cadeeyo cida ka hosaysa ee masuuliyadaas iska leh.

Waxaa la soo hadal qaaday dacaya iyo xuquuq la’aanta ciidamada taasoo qayb weyn ka qaadatay sida ay shegeen xubanaha Barlamanka, iyagoo tilmaamay in amni xumada ay tuhunsanyihiin sabab u tahay baahida ciidamada ee aan wali la daboolin.

“Wiil tuuga hadaad dhashid oo dadka aadan ka qaban wuxu soo qaatana aad wax ka qaadatid hadana aad u ducayso adna tuug baad noqonaysaa anigu waxaan qabaa in golaha Barlamanku inuu yahayn midka ugu darran ee dalka danbiga ugu weyn kaga jira madaama uusan ka qabanayn tuugada sida foosha xun ugu qaadanaysa dhaqaalihii ciidanka la siin lahaa,dhaawac la siin lahaa,agoonta la siin lahaa nin dhintay ban leenahay muu na difaaco,” Ayuu yiri mid ka mid ah golha wakiilada oo hadlayey.

Waxaa laga hadlay hanaanka isku xirnaanta iyo wada shaqaynta laamaha amaanka kuwasoo la sheegay inaysan jiran qorshe iyo nidaam la ogyhay oo ay ku wada shaqeyaan waxayna hoosta ka xariiqeen in meeshii ugu liidatay uu marayo amaanka Puntland .

Qayb ka mid xubanaha ka hadlayay dooda laga yeelanaya amniga Puntland,  ayaa diiradda saaray sida xukuumadda Puntland aysan wax dawr ah ugu lahayn gobollada Sool Cayn iyo Sanaag iyadoo Madaxweynuhu ka hor doorashadisii iyo ka dib-ba sheegay in sugayo xuduudaha Puntland.

Mudadi uu jiray Barlamanka Puntland, loogama baran inuu la xisaabtamo xukuumadda lamana oga waxa ka soo bixi doona ajandayaasha ay kalfadhigan kaga doodayaan oo hada wali ka soconaya xarunta dhexe ee magaalada Garowe.

FG:- Warsidaha Garowe Online ayaa idiin soo gudbin doona Muuqaalka qaabkii Xildhibaanadu uga doodeen Amniga Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo SSC-Khaatumo oo iskaashanaya xilli xiisad ay taagan tahay

Xasarada oo ku saabsan doorashada soo aadan ee Soomaaliya ayaa u dhaxeysa Villa Soomaaliya iyo Jubaland.

  • Puntland

    11-11-2024

  • 03:23AM

Wasiirada Puntland oo meelmariyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2025

Golaha Xukuumadda ayaa sidoo kale ansixiyey wax-ka-bedelka Xeerka Xabsiyada Puntland.

  • Puntland

    07-11-2024

  • 01:49PM