Garowe: Madaxweynaha PL oo qaabiley wafdi Maraykan ah

Image

January 28, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay shalay gelinkii danbe wafti socday safaarada maraykanka ee soomaaliya iyo Hay'adda USAID.

Wafdigann oo si weyn Garowe  loogu soo dhaweeyey ayaa u yimi ka qeybgalka shirka hiigsiga cusub ee soomaaliya iyo in ay kulamo la qaataan wasaaradaha iyo hay'addaha Puntland si ay dawladda Puntland uga taageeraan mashaariicda dhanka waxbarashada, caafimaadka iyo haweenka.

Madaxweynaha ayaa masuuliyiinta hay'adda USAID ku dhiirigeliyey inay kaalin lixaadleh ka qaataan taakuleynta shacabka reer Puntland si simana ay u gaarsiiyaan guud ahaan gobolada Puntland adeegyada bulshada ee ay bixinayaan.

Waftiga ka socday safaarada Maraykanka ee soomaaliya iyo sidookale Hay'adda US-AID ayaa dhankooda sheegay in ay ka go'antahay dardargelinta xiriirka Puntland iyo Maraykanka iyo weliba baahinta mashaariicda horumarineed ee ay Puntland ugu talagaleen.

Kulankaasi intii uu socey, wuxuu sidoo kale Madaxweyne Gaas warbixin kooban ku siyey wafdiga, isagoo ka waramay waxqabadka dawaldda Puntland iyo qorshaheeda sanadka 2015 ee ku aadan dhinacyada ammaanka, horumarka iyo kobcinta dhaqaalaha.

Gebagebadii Madaxweynaha Puntland wuxuu uga mahadceliyey xubnaha wafdiga booqashada ay ku yimaadeen Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM