Nidaamka xisbiyada badan oo lagaga hadlayo Garowe xilli Puntland tacsi ku jirto

Image

GAROWE, Puntland- Kulan madaxtooyada Puntland soo qaban qaabisay ayaa saaka waxaa lagu qabanayaa xarunta PDRC kasoo la sheegey in lagaga hadlayo sababta shacabka u furan waayey xisbiyo siyaasdeed oo qayb ka noqda nidaamka madaxweyne Gaas ku dhawaaqey.

Madaxweynaha Cabdiweli Maxamad Cali Gaas  ayaa wararku sheegayaan in kulankaan hadal ka jeedin doono iyadoo wararku sheegayaan in kasoo qayb galku aad u hooseeyo.

Kulankaan ayaa la sheegaya in dadka kasoo qayb galey u badan yihiin howlwadeenada dowlada isagoo dhinaca kale ku soo beegmey xilli labo maalmood ka hor dagaal gaadmo ah kooxda Al shabaab ku dishay tuulada Af-urur Askar iyo shacab badan.

Dadka siyaasada gobolka la socda ayaa sheegey in kulankaan PDRC lagu qabanayo maanta uusan waqtigaan munaasab aheyn xilli qaybo kamid ah shacabka Puntland u fadhiyaan tacsida dadkii ku dhintey dagaaladaas.

Nidaamka xisbiyada badan oo dowlada madaxweyne Gaas ku dhawaaqdey ayaa siyasiyiinta iyo shacabka Puntland ka jawaabin madaama u arkayaan in waqtigaan munaasab aheyn Fulintiisa maadaama dowlada iminka talada haysa waqtigeeda uu ka dhiman yahay Hal sano iyo bar Kaliyah.

Xukuumada madaxweyne Gaas ayaa ku guuldareysatey in markii talada Puntland la wareegtey nidaamkaan kasii ambaqaado halkii dowladii madaxweyne Farole kaga tagtey.

Dowladii madaxweyne Farole ayaa meel wanaagsan gaarsiisey nidamkaan balse waxaa ka hor yimid siyaasiyiin iyo qabaa'il isku ujeedo ah kuwasoo u arkayey hadii Puntland nidaamka Hal cod Hal qof ka hirgalo ay luminayaan fursadaha qabiil wax ku qaybsiga ee iminka ka jira maamulkaas.

GAROWEONLINE ayaa idiin soo gudbin doona khudbadaha iyo waxayaalaha lagaga hadlo kulankaas xilli saxaafada dibada loo saarey markii la furayey kuankaan kadib.

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM