​GAROWE: Olole caafimaad oo laga sameeyay Kaamka Shabeelle

Image

GAROWE, Puntland- Wasaaradda caafimaadka Puntland, ayaa maanta howlgalisay kooxo adeegyo caafimaadka ka fulinaya Kaamka Shabeelle oo ku yaalla magaalada Garowe, halkaasoo ay ku nool yihiin dad-barakacayaal ah oo dhawaan lasoo daristay xaalad caafimaad darro sababtay geerida in kabadan 12 ruux.

Ololahan, ayaa isugu jiray daweyn iyo wacyigalin ku aadan in laga hortago waxyaabaha keeni kara caafimaad darrada.

Barnaamijkan, ayaa waxaa hormuud  u ahaa wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland, Cabdinaasir Cismaan Cuuke, kaasoo mid mid ugu tagay dadka bukaanka ah iyo guryahooda halkaas oo dadka ku booriyay inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara fayo-dhowr la'aan.

Kormeer kadib wasiir Cuuke, ayaa shacabka ku nool Kaamkaas ugu baaqay inay ilaaliyaan nadaafadda islamarkaana booqdaan goobaha caafimaadka, isagoo xusay in dhibaatada ka dhacday halkaas sabab u ahayd dhaliil katimid dhinaca bulshada oo aan ku xirnayn goobaha lagu dabiibo bukaanka.

Daqaatiirta wada daweynta iyo ardayda caafimaadka ka barata magaalada Garowe oo dadaalkan wax ka waday ayuu uga mahad-celiyay sida wanaagsan ee ay ugu shaqaynayaan shacabka islamarkaana u buuxinayaan waajibaadkii laga rabay.

Dadka ku nool Kaamka Shabeelle ayaa wasiir Cuuke ku adkeeyay inay ka taxadaraad nadaafad xumada baahsan ee dhalin karta cudurrada kala duwan kuwaas oo mararka qaybtood isu badali karta halis ku faafta bulshada.

Qaar kamid ah dadka barakacayaasha ah ayaa ka mahad-celiyay dadaalka wasaaradda, waxayna sheegeen in xaruntooda caafimaad laga dhigay mid tan iyo xalay shaqaynaysay islamarkaana ay geeyeen bukaano kala duwan.

Ololahan ayaa socon doono muddo dhowr maalmood ah, waxaana qayb ka ah degmada Garowe iyadoo kormeerkii maanta goob joog ka ahaayeen maamulka caasumadda Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM