Garowe: qofkii isku qarxiyey shaqaalaha UN-ka oo la aqoonsaday

Image

April 21, 2015 (GO)- Magaalada Garowe waxaa 24tii saac ee lasoo dhaafay ka socdey shirar gaar gaar ah oo leeyihiin golaha wasiirrada, guddiga ammaanka gobolka Nugaal iyo guddi uu shalay madaxweyne ku-xigeenku u saarey inay soo baaraan qaabka uu u dhacay iyo weliba sida ay Al-shabaab ugu fududaatey inay weerarto shaqaalaha Qaramada Midoobey.

Kulammadan oo sidoo kale ay ka qayb galeen saraakiisha ugu sarreysa laamaha ammaanka ee Puntland, waxaa arrimaha lagu gorfeeyey ugu muhiimsanaa sugidda ammaanka magaalooyinka waaweyn gaar ahaan magaalada Garowe.

Qaar kamid ah shaqaalaha UN-ka oo codsadey in la qaado!

Ila wareedo lagu kalsoon yahay ayaa Garowe Online u sheegay in qaar kamid ah shaqaalaha ajaanibta ah ee ka hawlgala xafiisyada hay'adaha Qaramada Midoobey ee Garowe ay codsadeen in loo qaado magaalada Nairobi.

Dadka codsigan soo gudbistey ayaa u badan kuwii ku sugnaa goobta shalay weerarku ka dhacay oo iyagu si aad ah uga argagaxay qaabka wax u dhaceen. Waxaa sidoo kale maanta la dhoofinayaa meydadka qaar kamid ah dadkii ku geeriyoodey weerarka.

Labo diyaaradood oo shalay Garowe yimid ayaa qaadey dadkii dhaawacyada culus qabey iyo qaar kamid ah meydadka dadkii geeriyoodey.


Dadka weerarkaas ku geeriyoodey ayaa kala ahaa:

  1. Brenda Kyeyune, Uganda.
  2. Woki Munyui, Kenya.
  3. Payenda Gul, Afghanistan.
  4. Stephen Adero, Kenya.
  5. Hal askari oo ka tirsanaa SPU, Somalia.
  6. Hal askari oo ka tirsanaa PRS, Somalia.

Dadka dhaawaca ah ayaa iyagana magacyadoodu kala yihiin sidan:

  1. Clement Adams, Uganda, dhaawac fudud.
  2. Marialle Davies, Sierra Leone, dhaawac culus.
  3. Cabdirisaaq Maxamed, Soomaali, dhaawac fudud.
  4. Jill Shermin, USA, dhaawac fudud.
  5. Makonna Florance, Kenya, dhaawac culus.
  6. Labo askari oo ka tirsan SPU, dhaawac fudud.

Qofkii is-qarxiyey oo la aqoonsaday:

Waxaa la aqoonsadey qofkii weerarka fuliyey oo sida la sheegay maalmihii u dambeeyey dhowr mar la arkay isagoo taagan agagaarka xarunta Qaramada Midoobey ee Garowe.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in sawirka ninka qaraxa fuliyey sawirkiisa la hayo. Mid kamid ah dadkii saarnaa gaariga oo xilligan dhaawac ah ayaa sawir ka qaadey ninka weerarka fuliyey waxyar kahor intaan qaraxu dhicin, kadib markii uu ka shekiyey qofkaan ku soo ordaya gaariga.

Dhinaca kalw warsidaha Garowe Online aqoonsadey in qofka qaraxa fuliyey muddo toddobaad ka badan ku sugnaa magaalada Garowe.

Ilaa iyo hadda lama shaacin magaca ninkaas iyo deegaan ahaan halka uu kasoo jeedo.


Qaab sidee ah weerarku u dhacay?

Gaariga qaraxa lala beegsaday oo noociisu ahaa minibus ayaa ka yimid dhanka xarunta weyn ee Qaramada Midoobey, wuxuuna shaqaalaha UNICEF qaar kamid ah ka qaadayey goob deegaan u ah oo wax yar u jirta xaruta weyn ee UN-ka.

Qofka is-qarxiyey ayaa baska orod kusoo korey xilli albaabku furnaa islamarkaana ay gaariga koreysey haweeney Kenyati ah oo ka tirsaneyd shaqaalaha UNICEF Somalia.

Haweeneydaas oo kamid ahayd dadkii weerarka ku dhintey islamarkaana muddo shan iyo toban sano ah Puntland ka shaqeynaysey waxaa lagu magacaabi jirey Woki Munyui.

Faah faahin dheeri ah kala soco Garowe Online...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Daacish oo Dhaawac weyn algu gaarksiiya Gobolka Bari

Ciidamada Puntland ayaa qabsaday ugu yaraan shan saldhigyo istiraatiiji ah oo ay isticmaali jireen maleeshiyada Daacish.

  • Puntland

    11-01-2025

  • 11:08AM

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM