GAROWE: ​Qorshe lagu dhisan lahaa Beerta dowladda hoose oo fashilmey

Image

GAROWE, Puntland- Shacabka magaalada Garowe ayaa is hortaag ku sameeyay qorshe la doonayay in dad ganacsato ah lagu wareejiyo beerta kasoo horjeed guriga gobolka Nugal oo markii hore ahayd dhul laga qaaday dad shacab ah islamarkaana laga dhigay hanti dadweyne.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii shakhsiyaad caan ka ah Garowe oo heshiis la galay maamulka dowladda hoose ay dhagax dhigteen hareeeraha beerta iyagoo doonayay inay ka hirgaliyaan ganacsi u gaar ah.

Tallaabadaas ayaa dhalisay kacdoon dadweyne, kuwaasoo is hortaag ku sameeyay heshiiskaas hoose oo ahaa mid aan lagala tashan shacabka islamarkaana aan la shaac saarin.

Qorshahan oo u muuqday mid qayb ka ah boobka lagu hayo hantida dadweynaha ayaa dhaliyay khilaaf soo kala dhex galay maamulka dowladda hoose, golaha deegaanka degmada iyo shacabka magaalada Garowe, waxaana labo maalin ka hor Xildhibaano shir ku qabtay Garowe ay sheegeen inay arrintan ka baxsantahay sharciga golahaasha deegaanka.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale dhaliilay Guddoomiyahooda Xasan Goodir iyagoo sheegay inuu ku fashilmay ilaalinta hantidad dadweynaha, waxayna meesha ka saareen warar sheegayay in dhulkan ay bixiyeen Golahii ka horeeyay.

Warar kale oo Madax bannaan ayaa sheegaya in arrintan ay soo farogaliyeen isimada gobolka Nugal taassoo keentay in shalay laga raro dhagaxii la dhigay.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka iyo Dowladda hoose.

Qaar kamid ah shacabka Garowe oo goor sii horaysay iyaguna la hadlayay warbaahinta gudaha, waxay ka hor yimaadeen in la wareejiyo beertan oo aan wali loo magac bixin, waxayna tilmaamay inay tahay astaan qaran iyo mid ka dhaxaysa shacabka oo idil, balse aysan mas’uuliyadeeda qaadan karin dad kooban.

Guddoomiyihii hore gobolka Nugal hadana ah wasiirka Warfaafinta Cabdi Xirsi ayaa dhulkan ka dhigay mid ka dhaxeeya shacabka Garowe, waxaana wixii waqtigaas ka dambeeyay gacanta ku haysay dowladda hoose, iyadoo Maayarkii hore ee Cabdi Nuur uu ku wareejiyay Silig dhir beerisna lagu sameeyay.

Maaha markii ugu horaysay hanti dadweynuhu leeyihiin loo gacan galiyo shakhsiyaad ganacsato ah, waxaana arrintani qayb ka noqonaysaa eedo loo soo jeediyo maamulka hadda jirta oo ay kamid tahay in dhulkii ay mamnuucday xukuumaddii hore ee Cabdiraxmaan Farole loo fasaxay dad ganacsato ah taasoo keentay isku dhacyo soo noqnoqday oo ay u dambeysay xiisad hadda ka taagan nawaaxiga Cusbitalka Cartan ee ku dhow Madaxtooyada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM