Golaha degaanka Galkacayo oo digniin u direy duqa degmada

Image

GALKACAYO Jan 26 2015 [GO]- Waxaa maalmahaan soo kordhayey khilaaf u dhexeeya golaha degaanka degmada Galkacayo kuwaasoo dhowaan la soo dhisey.

Xildhibaano ka tirsan golaha degaanka intooda badan ayaa dhaliilsan nidaamka shaqo ee gudoomiyaha degmada Galkacayo iyo ku-xigeenkiisa kuwaasoo lagu eedynayo shaqo gudasho la'aan iyo waayo aragnimo la'aan.

Wararka Garowe online helayo ayaa sheegaya khilaafkaan iyo dacwooyin ka dhan ah maamulka degmada soo gaareen xafiiska madaxweynaha dowlada Puntland.

Xildhibaan Maxmed Muuse Ayax oo maanta la kulmey saxaafada ayaa ka hadley xaalada amaan ee magaalada Gaalkacyo, waxa uuna  dhaliil u jeediyay maamulka degmada Gaalkacyo isagoo xusey hadii aysan wax ka qaban ay la xisaabtamidoonaan.

Dhinaca kale warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya inuu dib u dhacdey booqasho la filayey in madaxweynaha Puntland ku tago gobolka Mudug sababo aan la shaacin.

Srakaal ka tirsan maamulka gobolka Mudug oo diidey magaciisa in aan faafino ayaa warsidahaan u sheegey in sababta safarka madaxweynaha Puntland dib ugu dhacdey tahay xaaladaha siyaasdeed ee gobolka ka jirta.

Magaalda Galkacayo ayaa warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in maalmahaan ka socdaan shirar siyasadeed oo looga arinsanayo arrimaha gobolka ka taagan iyo siyaasada dowlada dhexe ee ku aadan xalintooda. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM