Golaha Wasiiradda dowlada Puntland oo meelmariyey xeer cusub

Image
Image

GAROWE, Puntland – Golaha Wasiirada dowlada Puntland oo Sabtida maanta ah kulan ku yeeshay magaaladda caasimada ah ee Garowe ayaa ansixiyey Xeerka Isgaarsiinta oo ay u soo gudbisay Wasaarada Warfaafinta.

Xubnaha xukuumada ayaa la wariyey in ay ka doodeen Xeerka kahor inta aysan codka u qaadin. Meelmarinta kadib waxaa loo gudbin doonaa baarlamaanka oo waajibaadkiisa dastuuriga ah ka gudanaya.

Sidda ay sheegtay Madaxtooyadda, xeerkan wuxuu wax badan ka bedeli doonaa shaqada iyo la tacaalida isgaarsiinta degaanada Puntland.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shir-gudoomiyey kulankaan oo ay kasoo muuqdeen inta badan Wasiiradda Golaha.

Mudadii kulanku socday waxaa qodobada looga hadlay kamid ahaa; amniga guud, dhisidda Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Galdogob iyo Bursalaax, xaalada Ayaxa iyo midaynta Akoonada Dowladda.

Dib u habaynta mushaharka shaqaalaha iyo dhismaha garoomada kubadda Cagta Puntland ayaa si lamid ah ku jiray qodobada lagu jeex-jeexay.

Deni oo ku bogaadiyey hay'addaha dowliga ah in shaqooyinkooda ay ku saleeyeen qorshaha xukuumadda ee dimuqraadiyeynta Puntland ayaa wuxuu ku tartarsiiyey in wax-qabadkooda ku saleeyaan baahida dadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM