Golaha Wasiirrada PL oo ka shirey amniga iyo dhaqaalaha

Image

February 19, 2015 (GO)- Golaha Wasiirrada Dowlada Puntland oo maanta yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaa ayaa ka doodey arrimo badan oo amniga iyo dhaqaaluhu ugu muhiimsanaayeen.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo kulanka shir guddoominayey ayaa ka warbixiyey safarkii uu dhowaan dalka Ethiopia ku tegey. Madaxweynuhu wuxuu Golaha la wadaagey arrimihii ugu muhiimsanaa ee madaxda dalkaas uu kala soo hadley.

Xubnaha golaha ayaa dhanka kale si qoto dheer u gorfeeyey qaabka ugu habboon ee ammaanka deegaanada Puntland loo sugi karo. Qodobada kale ee kulanka todobaadkan looga wada hadlay waxaa kamid ahaa ciidamo ka tirsan laamaha ammaanka Puntland oo dhowaan dalka dibaddiisa tababar loogu qaadayo iyo halka uu marayo hirgelinta kastamka Tuur-dibi.

Ugu dambeyntii waxaa warbixino laga dhegeystey madaxda Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka oo dhowaan hirgelisey rugta dayactirka gaadiidka dowladda, waxaa sidoo kale warbixino laga dhegeystey Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo guddiga dib-u-eegista dhaqaalaha iyo shaqaalaha dowladda.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM