Gollaha Wasiirada Puntland oo Shir deg deg ah ka leh Xaaladda Tukaraq

Image

GAROOWE, Puntland - Gollaha Wasiiradda dowladda Puntland, ayaa maanta isugu yimaadey kulan deg deg ah, kaasi oo lagu qabtey aqalka madaxtooyadda Garoowe.

Ujeedka shirkaan ayaa ah in looga hadlo xaalada deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasoo baryihii dambe ay ka jirto colaad u dhaxeysay Puntland iyo Somaliland, taasi oo dib usoo qaraxday 15-kii bishan.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali [Gaas] ayaa shir gudoominaya kulanka aan caadiga ahayn, waxaana la filayaa in laga soo saaro go’aano culus oo ku qotomo xiisadda ka taagan deegaanka Tukaraq.

Maalmo ka hor, Madaxweyne Gaas ayaa si cad u sheegay in maamulkiisa uusan u dulqaadan doonin wax uu ku sheegay weerarka gar-daradda ah ee maamulka Hargeysa kusoo qaaday dhulka Puntland, isagoona ku dhawaaqay inuu sii socon dooono dagaalka.

Xaaladda deegaanka Tukaraq ayaa waxay hadda tahay mid degan, inkastoo aanan la ogayn waxa dhici kara saacadaha soo aadan, maadaama la sheegayo in labada dhinac ay wadaan abaabul dagaal iyo isku ciidan uruusasho.

Labadda maamul ayaa waxaa la tilmaamayaa inay Jiida hore ee dagaalka ay kusoo daabulayeen saacadihii u dambeeyay ciidamo cusub iyo gaadiidka dagaalka, taasoo sare usii qaadeysa cabsiga laga qabo dagaal dib uga qarxa deegaanka Tukaraq.

Tani waxay ka dhigan tahay in labadda maamul [Puntland iyo Somaliland] ay ka dhaga fureysteen baaqyadda nabadeed oo ay usoo jeedinayaa madaxda dowlada Federaalka, beesha caalamka iyo wax-garadka qeybahiisa kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM