Soomaaliya: Gorod iyo Xaaf oo furay Waddooyin ku xirmay dagaalladii Galkacyo

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Soomaaliya - Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Cabdiwali Jaamac Gorod oo uu weheliyo Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa saaka furay qaar kamid ah waddooyinka magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Waddooyinka la furay ayaa ahaa kuwo muddo u xirnaa colaadihii ka dhashay dagaallo dhexmaray maamullada Puntland iyo Galmudug, waxaana qaybtood ahaayeen Laami ay gawaaridu isticmaali jirtay.

Sawirro lagasoo qaaday goobaha laga furayay waddooyinka ayaa muujinayay iyadoo labada mas'uul ay qaadayeen dagaxaantii lagu xiray jidadkaas.

Tallaabadan ayaa qayb ka ahayd socdaalka Taliye Gorod uu ku tagay magaalada Galkacyo. Wuxuu sidoo kale kulamo amniga ku saabsan la qaatay dhinacyada gobolka Mudug kawada taliya isagoo kala hadlay sidii xal waara loogu dhammayn lahaa colaadihii mudada soo jiitamayay ee badankoodu salka ku hayeen dhul iyo aanooyin qabiil.

Dhinaca kale Xaaf iyo Gorod ayaa u gudbay waqooyiga magaalada Galkacyo iyagoo la kulmi doono mas'uuliyiin katirsan Puntland iyo saraakiisha ciidamada oo ugu sareeyo Siciid Dheere.

Xaaladda magaalada Galkacyo ayaa maalmahan daganayd inkastoo ay jireen shaqaaqooyin dhawaan dhacay oo ku salaysnaa murano ka dhashay suuqa magaalada Galkacyo kaasoo ay ku dhinteen ciidamo iyo dad shacab ah.

Gobolka Mudug oo talis ahaan hoos yimaada Puntland iyo Galmudug ayaa muddo daris la ahaa dagaalo iyo colaado labada dhinac u dhaxeeya, waxaana dhowr jeer oo hore bur-buray heshiisyo nabadeed oo ay dhinacyadaas wada gaareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM