Soomaaliya: Gorod iyo Xaaf oo furay Waddooyin ku xirmay dagaalladii Galkacyo

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Soomaaliya - Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Cabdiwali Jaamac Gorod oo uu weheliyo Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa saaka furay qaar kamid ah waddooyinka magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Waddooyinka la furay ayaa ahaa kuwo muddo u xirnaa colaadihii ka dhashay dagaallo dhexmaray maamullada Puntland iyo Galmudug, waxaana qaybtood ahaayeen Laami ay gawaaridu isticmaali jirtay.

Sawirro lagasoo qaaday goobaha laga furayay waddooyinka ayaa muujinayay iyadoo labada mas'uul ay qaadayeen dagaxaantii lagu xiray jidadkaas.

Tallaabadan ayaa qayb ka ahayd socdaalka Taliye Gorod uu ku tagay magaalada Galkacyo. Wuxuu sidoo kale kulamo amniga ku saabsan la qaatay dhinacyada gobolka Mudug kawada taliya isagoo kala hadlay sidii xal waara loogu dhammayn lahaa colaadihii mudada soo jiitamayay ee badankoodu salka ku hayeen dhul iyo aanooyin qabiil.

Dhinaca kale Xaaf iyo Gorod ayaa u gudbay waqooyiga magaalada Galkacyo iyagoo la kulmi doono mas'uuliyiin katirsan Puntland iyo saraakiisha ciidamada oo ugu sareeyo Siciid Dheere.

Xaaladda magaalada Galkacyo ayaa maalmahan daganayd inkastoo ay jireen shaqaaqooyin dhawaan dhacay oo ku salaysnaa murano ka dhashay suuqa magaalada Galkacyo kaasoo ay ku dhinteen ciidamo iyo dad shacab ah.

Gobolka Mudug oo talis ahaan hoos yimaada Puntland iyo Galmudug ayaa muddo daris la ahaa dagaalo iyo colaado labada dhinac u dhaxeeya, waxaana dhowr jeer oo hore bur-buray heshiisyo nabadeed oo ay dhinacyadaas wada gaareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM