​Guddiga doorashooyinka KMG Puntland oo gudoomiye doortay

Image
Image
Image

GAROWE- Guddiga KMG ah doorashooyinka Puntland oo yeeshay kulankii ugu horaysay ayaa maanta doortay gudoomiye iyadoo xilkaasi loo dhiibay Axmed Maxamed Cali oo horay usoo noqday agaasimaha Puntland TV.

Gudoomiye ku-xigeen ayaa sidoo kale loo doortay Maxamud Soofe.

Guddigan oo sagaal xubnood ka kooban ayaa shalay lagu ansixiyey kalfadhiga aan caadiga ahayn oo u socda Barlamanka Puntland, waxaan maanta lagu dhaariyay xarunta madaxtooyada iyadoo uu goob  joog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka iyo Afhayeenka Barlamanka.

Xubnahan ayaa bishii labaad ee sannadkan, waxaa soo kala magacaabay madaxweyne Gaas iyo Axmed Cali Xaashi, waxaana la filayaa inay bilaabaan shaqooyinkooda, maadama ay mareen nidaamka dastuuriga ahaa.

Axmed Maxamed Cali, ayaa lagu doortay kulan ay ku yeesheen xarunta cilmi baarista Puntland ee PDRC.

Weli kama uusan hadlin qaabka uu arko xilkan loo doortay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM