​Guddiga Doorashooyinka Somalia iyo TPEC oo kulmay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa galabta xarunta Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland shir ku yeeshay TPEC iyo Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya, waxaana looga hadlay arrimo ku aadan qaabka loo wajahayo doorashada waddanka ee la filayo inay qabsoonto 2020.

Shirkan oo u dhaxeeyay xubnaha Guddiga doorashooyinka Puntland iyo kuwa ka socday dhinaca DFS oo ay hormuud u ahayd  Xubin kamid ah guddigaas oo lagu magacaabo Khadiijo Cosoble, ayaa aad loogu lafo guray qaabka doorashooyinka loo samayn karo iyo khibrada laga qaadan karo Puntland.

Waxaa sidoo kale kulankaas joogay Sarakiil katirsan Howlwadeenada Guddiga DFS, khabiiro ka socotay Qaramada Midoobay  iyo hay’adaha Guddiga heer qaran kala shaqeeya arrimaah doorashooyinka.

Shirkan markii uu soo dhammaaday waxaa ka warbixiyay waxyaabihii looga hadlay Guddoomiyaha TPEC Cabdiraxmaan Diiriye Samatar oo sheegay in guddigan ay kawada hadleen arrimo kala duwan oo ku saabsan xaaladda doorashooyinka dalka.

Cabdiraxmaan Diiriye ayaa intaas ku daray in Guddigan ay u bandhigeen muhiimadda ay leedahay in lagala shaqeeyo TPEC doorashada Puntland ee 2019 maadama ay iyadu horayso islamarkaana tijaabo u noqoto nidaamka Dimuqraadiyadda ee la filayo in Soomaaliya la gaarsiiyo.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in Guddigan shirar dambe isugu imaan doonaan, balse kulankan uu ku saabsanaa is-xog waraysi kaliya.

Kulankan ayaa qayb ka ahaa Daraasad lagu samaynayo qaabka loo diinwaangalinayo Codbixiyaha Soomaaliyeed ee ka qayb qaadanaya doorashada 2020 ee lagu wado in shacabku codkooda dhiibtaan.

La tashiyo noocaan ah waxay guddigan lasoo qaateen hay’adaha dowladda sida Barlamanka Aqalka Sare, Maamulka Jubbaland iyo Puntland oo hadda joogaan.

Muddo Saddex cisho ayaa xubnahani joogi doonaan magaalada Garowe, waxayna la kulmi doonaan Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Guddiga joogtadaha ah ee Barlamanka Puntland iyo Bulshada rayidka ah iyagoo kala hadli doona arrimaha doorashooyinka.

Maaha markii ugu horaysay xubnaha ay yimaadan magaalada Garowe, balse labo jeer oo hore waxay la kulmeen TPEC iyagoo mar isku arkay waddanka Kenya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM