​Guddiga Khilaafaadka oo warbixin ku aadan xubnaha la celiyay u gudbinaya shirka madasha

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa maanta lagu wadaa in Guddiga khilaafaadka doorashooyinka Somalia, warbixin faah faahsan u gudbiyaan madaxda Somalida ee ku shirsan magaalada Muqdishu, kadib markii ay la kulmeen xubno kasocda beesha caalamka oo ka dalbaday inay sharaxaad ka bixiyaan xubnaha 11 ah ee doorashadooda la naqdiyay.

Xubnahan, ayaa shalay hortagay shirka madaxda Somalida [Madasha] ee kasocda magaalada Muqdishu.

War Saxaafadeedka ay si wadajir ah usoo saareen Safiirada Midowga Yurub, Italy, UK, USA, Sweden iyo Wakiil QM ee Somalia Michael Keating ayaa lagu sheegay in Kulanka diiran lagu saarey Kuraasta la diiday.

Beesha Caalamka ayaa Gudeiga Xallinta Khilaafaadka ayaa waydiiyay sababta loogu dhagay 11-kaas xubnood iyadoo ay jiraan 67 mudane oo lagu eedeeyay inay kusoo baxeen hab musuq-maasuq ah.

Waxaa sidoo kale lagu, canaantay inay kasoo tageen Xubno Beesha Caalamka horey ugu baaqday in laga saaro Liiska Xildhibaanada labada aqal, kuwaasi oo tiro ahaa gaaraya 24 Kursi.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa wax badan laga waydiiyay sababta uu 11 kursi oo kaliya ugu soo koobay 24 Kursi ee isha ay ku hayso Beesha caalamka, horeyna war saxaafadeed uga soo saareen.

Kulanka ay yeesheen Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada iyo Beesha Caalamka ayaa waxyaabaha looga hadlay waxaa kamid ahaa Musuq-maasuq, Handadaada iyo Cod-ku-shubashada ka dhacday Doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.

Beesha Caalamka ayaa sheegay in dadka sida aan sharciga waafaqsanayn kusoo baxay uu kamid yahay Wasiirka Dhalinyarada iyo Sports-ka Maxa'ed C/llaahi Nuux oo hore looga saarey Tartanka, hadana la siiyay Shahaadada Aqoonsiga Xildhibaanimo.

Gudiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada ayaa laga codsaday inuu sharaxaad ka siiyo Beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed waxyaabaha uu u cuskaday soo xulista 11-ka Kursi ee ay meesha ka saareen.

11-ka Kursi ee la diiday iyo Maamulada lagu celiyay ayaa kala ah;

Koonfur Galbeed: 5 kursi

 Puntland: 2 Kursi

Hir-shabelle: 2 kursi

Galmudug: 1 kursi

Jubbaland: 1 kursi

Guddiyada Doorashooyinka Heerka Gobol ee maamulladan ayaa kasoo horjeestay go'aanka Guddiga xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka, waxaana ay ku doodayaan inay u mareen Doorashada qaab sharciga ogol.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo qabatay Boqolaal xubnood oo Daacish katirsan

Waxay horey ugu guul darreysteen dagaalladii Suuriya iyo Libiya, iyadoo taageero caalami ah ay haystaan, ayuu yiri Dirir.

  • Puntland

    27-01-2025

  • 04:06PM

Guulihii ugu dambeeyay Ciidanka Puntland ka gaareen Dagaalka Daacish

 Maalmaha soo socda waxaa laga yaabaa in la arko dhammaadka Daacish ee Puntland, sida uu sheegay sarkaal Ciidan.

  • Puntland

    25-01-2025

  • 06:01PM