​Guddiga KMG doorashooyinka Puntland oo la ansixiyay

Image

GAROWE- Barlamanka Puntland oo magalada Garowe ku leh kalfadhi aan caadi ahayn ayaa maanta meelmariyay guddiga KMG ah doorashooyinka Puntland, kuwaasi oo ka kooban sagaal xubnood.

Fadhiga Barlamanka oo ay joogeen 52 mudane ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xubnaha, waxaana ogolaatay 50 mudane halka labo Xildhibaan ka aamuseen.

Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi, ayaa ku dhawaaqay natiijada cod-bixinta guddiga, wuxuuna sheegay inuu ansaxay magacabistooda maadama ay heleen kalsoonida golaha shacabka.

Waa guddigii labaad ee noocan ah oo Puntland yeelato tan iyo 1998, waxaana xubnihii kuwan ka horeeyay la ansixiyay sannadkii 2011, waloow dadaalladii lagu doonayay waqtigaasi in Puntland dimuqraadiyay lagu gaarsiiyo is-hortaageen siyaasiyiin dano gaar ah watay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM