Guddoomiyaha Godob-jiiraan oo beeniyay in xilka laga qaaday [Dhagayso]

Image

GAROOWE, Puntland- Guddoomiyaha degmada Godob-jiiraan Yuusuf Geesaweyne ayaa sheegay inaysan jirin wax xil ka qaadis ah oo ay ku sameeyeen xildhibaanada golaha degmadaas, xilli Guddoomiye ku-xigeenkiisa uu tilmaamay in 13 mudane kalsoonidii kala noqdeen mas'uulkaas.

Yusuf oo waraysi gaar ah caawa siiyay Radio Garowe, ayaa tilmaamay inuu saaka u shaqo tagay xafiiskiisa islamarkaana xildhibaano katirsan golaha ay isla joogeen oo uu kamid yahay ku-xigeenkiisa.

Wuxuu beeniyay inay jirto wax eed ah oo xilka looga qaadi karo, taasoo ay ku jirto inuu furi waayay Kalfadhigii golaha.

"Maaha labo kalfadhi kan kii ka horeeyay ayuusan furmin, sababtuna waxay ahayd abaaro jiray iyo xildhibaano kala maqnaa." sidaas waxaa yiri Yusuf.

Dhinaca kale wuxuu tilmaamay in Xildhibaanada golaha deegaanka aysan isu imaan karin ilaa ay goob joog ka tahay wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo maamulka gobolka, sidaas awgeed aysan sharci noqon karin hadal kasoo yeeray xildhibaano xasiig dhigay guri.

Guddoomiyaha Godob jiiraan, wuxuu khayaano qaran ku tilmaamay in ku-xigeenkiisa uu warbaahinta la hadlo xilli shaqadu caadi u socoto, isagoo sidoo kale sharci darro ku tilmaamay inuu shir guddoomiyo kulan Xildhibaanadu leeyihiin isagoo uu joogo Guddoomiyuhu.

Arrintan ayaa imaanaysan xilli Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ku baaqday in la furo Kalfadhiga golaha deegaanka degmada.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM