​Guddoomiye ku-xigeenkii hore gobolka Bari oo la dilay

Image

BOSASO, Puntland- Mallayshiyaad hubaysan ayaa magaalada Bosaso xarunta ganacsiga Puntland, maanta ku dilay Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee gobolka Bari AUN, Khalar Ismaaciil Cabdulle (Buncun).

Marxuumka ayaa la dilay xilli uu ku sugnaa gudahan magaalada, waxaana dilkiisa kasoo baxaya warar is-khilaafsan iyadoo aysan jirin cid ay usoo qabteen falkan laamaha ammaanka gobolka Bari.

Lama oga sababta loo dilay, mas'uulka oo Guddoomiye ku-xigeen usoo noqday Guddoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan.

Dilka ayaa kusoo aaday xilli xisado ay ka taaganyihiin nawaaxiga magaalada Bosaso taasoo salka ku haysa arrimo deegaan.

Ciidamada ammaanka gobolka Bari ayaa sameeyay baaritaano ku aadan cidda ka dambaysay dilka Marxuum Buncun oo caan ka ahaan degmada Bosaso.

Ilaa hadda kiiskan kama aysan hadlin mas'uuliyiinta gobolka iyo degmada Bosaso.

Magaalada Bosaso oo dabayaaqadii sannadkii hore iyo horaantii sannadkan ay ka dhaceen dilal loo gaystay saraakiil katirsan dowladda ayaa xaaladeedu daganayn muddooyinkii dambe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM