​Guddoomiye loo magacaabay hay'adda Waddooyinka Puntland

Image

BOOSAASO, Puntland- Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa Lix bilood kadib Guddoomiye u magacaabay hay'adda Waddooyinka Puntland ee PHA.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Gaas ayaa lagusoo magacaabay Eng Cabdirisaaq Yusuuf Cilmi oo horay Puntland uga soo noqday Wasiiru-dowlaha Wasaaradda howlaha guud.

Magacaabistan oo kusoo beegantay xilli shaqada hay'adda uu si KMG ah u hayay Ku-xigeenka Agaasimihii hore Maxamud Cabdinuur kaasoo shaqadiisa ku waayay kadib markii Warbaahinta qaarkeed bannaanka soo dhigtay musuq-maasuq baahsan oo lagu sameeyay tartankii loo galay mashruuca dhismaha Wadada isku xirta Garoowe iyo Gaalkacyo.

Lama oga waxa uu shaqada hay'addan ka badali doono Eng Cabdirisaaq xilli PHA aysan waxba ka qaban bur-bur baahsan oo soo wajahay laamiga dheer ee isku xira Deegaanada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Waa wareegtadii 2aad oo maanta soo saaro Madaxweyne Gaas xilli la filayo inuu Bari u dhoofo magaalada Kismaayo halkaasoo uga qayb galayo shirka Maamullada dalka iyo DFS ee looga arrinsanayo khilaafka siyaasadeed ee waddanka soo wajahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirada Puntland oo meelmariyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2025

Golaha Xukuumadda ayaa sidoo kale ansixiyey wax-ka-bedelka Xeerka Xabsiyada Puntland.

  • Puntland

    07-11-2024

  • 01:49PM

Puntland oo ka hadashay barakicinta Xasan Sheekh kawado Muqdisho

Xukuumada Puntland ayaa sidoo kale waxay dhaliishay in lasoo tarxiilo Soomaalida ku nool Jarmalka.

  • Puntland

    07-11-2024

  • 08:17AM