Guddoonka Barlamanka Puntland oo ka baaqsadey qabashada kulanka gudiga joogtada

Image

4 October,2015 (GO)- Guddiga joogtada ah ee Barlamanka Puntland oo ka kooban 13 xubnood ( 3-da gudoonka Barlamanka + 10 Xildhibaan) ayaa sida warsidaha Garowe Online fahansan yahay waxaysan kulmin muddo Afar Asbuuc ah ee la soo dhaafey.

Fadhiga guddiga joogtada ah oo ay tahay in xubnahaan isugu yimadaan maalin walba oo Isniin ah ayaa gabi ahaanba qabsoomin iyadoo warar sheegayaan in 24 August, 2015 kulankoodii ugu dambeeyey yeesheen.  

Warsidaha Garowe Online oo la hadley xildhibaan ka tirsan Barlamanka Puntland oo ka gaabsadey in aan magaciisa xusno ayaa sheegey in guddigaan fadhi isugu yimaadeen 28 September,2015 balse loo sheegey iney jirtaan beeleen hadii xeer-hoosaadka golaha lagu dhaqmayo.

Xeer-hosaadka golaha Barlamanka ayaa qoraya hadii guddigaas fadhi isugu imaan waayaan muddo Labo asbuuc ah sabab la'aan ay tahay in xubno kale lasoo doorto.

Dhinaca kale guddigaan ayaa gunooyin dheraad ah ku qaata shaqooyinka ay u qabanayaan shacabka taasoo ka dhigeysa iney lacgtaan ka baxeyso khasnada dowlada iyagoo fahdigoodii baaqdey muddo Afar Asbuuc ah.

"Gudoonka Barlamanka Puntland markii la waydiiyey sababta fadhiga guddiga joogtada ah u baaqdey muddo Afar asbuuc ah waxaa ay ku macneeyeen inuu buuxsami waayey kooramka xildhibaanada xubnaha ka ah guddigaa kuwasoo laga rabo iney ugu yaraan Sagaal xubnood joogaan."sidaas waxaa Garowe Online u sheegey xildhibaan diidey magaciisa in aan xusno iyadoo la eegayo xasaasiyada ay leedahay sheegista xogtaan.

Guddiga joogtada ah ee Barlamanka Puntland ayaa shaqeeya labada kalfadhi dhexdooda kuwasoo hay'adaha dowlada oo kale kala xisaabtama howlaha ay u hayaan shacabka.

Baaqashada kulanka guddiga joogtada ah ayaa imaaneysa kadib markii golaha xukumada Puntland uusan muddo 8 asbuuc ah isugu imaan gabi ahaanba wax kulan ah iyadoo dalka ku sugan yihiin madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

GAROWEONLINE ayaa idiin soo gudbin doona dhowaan warbixino la xiriira sida Barlamanka Puntland ugu guuldareystey la xisaabtanka xukuumada madaama ay jiraan cabashooyin la xiriira mushahar la'aan saameysay shaqaalaha dowlada iyo ciidamada, lacago faalso ah oo shillin Somali ah ee la daabacey fasax la'aanta Barlamanka Puntland, mowqifka xukuumada ee ku aadan shirkii ka dhacey Muqdishu oo aan weli cadeyn,  dagaalo u dhexeeya qabaa'ilka walaalaha ee Puntland, fadhigii golaha xukumada oo baaqdey muddo 8 asbuuc ah iyo qodobo kale.

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM