Guddoonka golaha deegaanka Bosaso oo la doortay iyo banaan-bax dhacay

Image
Image
Image
Image
Image

30 September, 2015(GO)-Xubnaha golaha deegaanka degmada Bosaso ayaa maanta cod gacan taag ah ku doortay Gudoomiyaha golaha iyo ku-xigeenkiisa.

Yaasiin Mire Maxamud ayaa cod aqlabiyad ah ku helay doorasho ka dhacay Bosaso, waxaana u codeeyay 28 mudane, halka ku-xigeenkiisa loo doortay Siciid Garown oo horay u soo noqday Gudoomiye ku xigeenka golaha deegaanka Bosaso.

Waxaa kasoo qayb galay maamulka gobalka Bari, kan degmada Bosaso, xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland, xildhibaano,nabadoono, aqoonyahanno, siyaasiyiin, ganacsato, dalinyaro , haween iyo marti sharaf.

Doorashada ayaa ka duwanayd kuwii ka dhacay Garowe iyo Qardho, waxayna u dhacday qaab gacan taag ah iyadoona hoolka doorashada lagu qabtay uu ka soo muuqday halmusharax oo raadinayay xilka Gudoomiyaha.

Mid ka mid ah musharaxiinta u taagnaa jagada Duqa degmada Bosaso ayaa shalay shaaciyay inuu ka laabtay arrinkaasi, ka dib dhaliil uu u soo jeediyay qaabka loo soo xulay Xildhibaanada.

Xildhibaanka qaadacay doorashada ma imaan dhaarta xubnaha cusub, kamana soo qayb galin doorashada maanta dhacday.

Dhinaca kale, magalada Bosaso ayaa waxaa ka socda banaanbax ay dhigayaan dadka deegaanka oo ka soo horjeeda sida wax u socdaan.

Gudoomiyaha Bosaso ayaa nin ah dhalinyaro wax ku soo bartay dalka dibadiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM