Guddoonka rugta ganacsiga Puntland oo berri la dooranayo

Image
Image

December 24, 2014 (GO)- Guddiga Qabanqaabada doorashadda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ayaa maanta u qaybiyay kaararka aqoonsiga wakiiladda shirkadaha ka qaybgalaya codaynta doorashada rugta ganacsiga oo  maalinta beri ah ka dhacaysa magaaladda Bosaso.

Kulan ballaran  oo ka dhacay Xarunta Rugta Ganacsiga ee Bosaso, oo ka qaybgaleen Wasiirka Ganacsiga iyo Warashadaha Puntland Maxamed Xasan Sooocade iyo Wasiirk Kuxigeenka wasaaradda Cabdirisaaq Nuur Cumar  iyo Shirkadaha ka qaybgalaya doorashadda rugta Ganacsiga Puntland ayaa sidoo kale lagu shaaciyay magacyada musharixiinta u tartamaysa Guddoonka Rugta Ganacsiga Puntland.
 
Guddoomiyaha Guddiga  Qabanqaabada Doorashadda Rugta Ganacsiga Isaaciil Axmed Dayib oo ugu horrayn ka hadlay kulanka ayaa ka sheekeeyay caqabadihii iyo guulihii ay gaareen guddigu intii ay socotay qabanqaabadu. Waxaa kaloo uu ka hadlay xeerka doorashada ee rugta ganacsiga oo asaas u ahaa xulitaanka shirkadaha ka qaybgala doorashadda

Gudoomiyuhu wuxuu sidoo kale shaaciyey magacyada murashaxiinta isagoo xusay in jagada Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland u tartami doonaan murashaxiinta kala ah: Cabdiraxmaan Warsame Jaamac oo ka socday Shirkadda OPEC, Sharmarke Ugaas Yaasiin oo ka socday Shirkadda Mareero Spare Parts iyo Maxamed Maxamuud Cismaan oo ka socda Shirkadda Xoolo dhoofinta ee Qandala.
 
Musharixiinta kale ee u tartamayay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad Waxaa ka mid ah Maxamed Caydiid Jaamac oo ahaa Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee rugta Ganacsiga Puntland.
 
Gabagabadii kulanka, Sheekh Fu’aad Xaaji nuur oo ka mid ah Guddiga Doorashadda Rugta Ganacsiga ayaa ganacsatadda ka qaybgalaysa doorashada u sharaxay qaabka loo gelayo doorashada oo maalinta berri ah ka dhacaysa hoolka shirarka ee Jaamacada Bariga Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM