Gudoomiyaha gobolka Mudug oo shaqada ka tagey, Gaas oo jooga Galkacayo

Image

Sept 28, 2015 (GO)- Guddoomiyaha gobolka Mudug Mudane Cabdiqaadir Shire Faarax (Erag) oo waraaqdii is-casilaadiisa u gudbiyey madaxweynaha dowlada Puntland asbucii hore ayaa qoraal uu ku baahiyey barta intrenet-ka  ku sheegey in laga aqbaley is-casilaadiisa.

Mudane Cabdulqaadir Shire oo qorshuhu ahaa inuu saxafaada la hadlo ayaa baajiyey saaka sababo aan la shaacin.

Hadal kooban oo uu kusoo qorey barta Facebook ayuu Gudoomiyaha gobolka Mudug shaqo ka tagistiisa u qorey sidatan: 

”Mudo 5 bilood ah oo aan joogay xafiiska gudoomiyaha gobolka Mudug waxaan maanta si rasmi ah uga ruqseeystay shaqada gudoomiyaha gobolka Mudug madaxweynaha Gaas-na waa uu iga aqbalay.”

”Waxaan u mahad-celinayaa intii ila shaqaysay mudadii gaabnayd ee aan joogay xafiiska waxaan kaloo aanan ilaawi doonin wanaagi iyo soo dhaweyntii shacabka gobolka Mudug meel kastoo ay joogaan insha allah waxaan ka shaqayn doona markasta iyo meel kastoo aan joogo wanaaga iyo sharafta gobolka Mudug”.

Warsidaha Garowe Online oo warbixin xaley kasoo qorey maqaal diirada saaraya caqabadaha siyaasdeed ee madaxweyne Gaas ka qabsadey magaalada Galkacayo Halka ka akhri ayaa lagu shaaciyey in gudoomiyaha gobolka waraaqdii is-casilaada u gudbiyey madaxweynaha Puntland inta uusan gaarin magaalada Muqdishu.

Garowe Online ayaa fahansan in gudoomiyaha gobolka Mudug joojiyey inuu la hadlo saxaafada kadib markii madaxweynaha Puntland uu culeys saarey odaayaasha beesha Mudane Ereg.

Dhinaca kale muranka shaqo ka tagista gudoomiyaha gobolka ayaa bilowdey tan iyo intii waftiga madaxweynaha Puntland gaarey magaalada Galkacayo 11 August,2015. Warar ayaa sheegaya in gudoomiyahu saluugey in madaxweynaha Puntland shaqooyinka gobolka Mudug gacanta u galiyey guddiyo uu magacaabey markii uu magalaada Gaalkacayo gaarey.

Gudoomiyaha gobolka Mudug oo ka tirsanaan jirey saraakiisha ciidamada Somalia ayaa madaxweyne Gaas uga yeerey wadanka dibadiisa gaar ahaan cariga Mareykanka. Mudane Ereg ayaa markii loo magcaabey xilkaan soo gaarey magaalo madaxda Puntland ee Garowe halkaasoo muddo bilo ah ku qaadatey in shaqadiisa uu bilaabo kadib markii uu waayey misaaniyadii loogu talagaley shaqada uu qabanayo..

Shaqo ka tagista cusub ee Mudane Cabdulqaadir Shire ayaa ka dhigeysa gudoomiye gobolkii 7aad ee xilka laga qaado ama loo magaacaabo  muddo hal sano iyo Bar gudeheed ah.

Gudoomiyaha gobolka ayaa waxaa wareegto ku magacaaba madaxweynaha Puntland halka gudoomiye-yaasha degmooyinka ay  soo doortaan golayaasha degaanka.

Is-casilaada guddomiyaha gobolka Mudug ayaa ku soo beegmeysa maalin kadib markii Taliyaha guud ee ciidamada Puntland warsaxafdeed uu qabtey maalintii shaley 27 Sept,2015 ku sheegey inuu xilka isaga tagayo hadii xukuumada madaxweyne Gaas aysan bixin mushaharka ciidamada.

Hadalka taliyaha ayaa yimid kadib markii madaxweynaha wareysi uu siiyey Idaacada Daljir ku sheegey in aan wax mushahar ah lagu laheyn xukumadiisa islamarkaana talaabo uu ka qaadi doono ciidamada gadoodka ka sameeyey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM