Gudoomiyaha Xaafad ka tirsan Galkacayo oo la diley

Image

GAROWE Feb 3,2015 [GO]- AHN waxaa caawa fiidkii abarihii 7:30pm la diley Gudoomiyihii xaafad ka tirsan Gasoor AHN Maxamud Diiriye " Bidaar" kadib markii Labo qof oo madaxa soo duubtey gurigiiga irridiisa rasaas la beegsadeen.

Lama oga cidda ka dambeysay dilka gudoomiyahaan balse waxaa maanta ka badbaadey qarax lala beegsadey gaarigiisa xisaabiyaha wasaarada maaliyada  Maxamad Cali Yusuf ' Gaadayre".

Dilalka ka dhacaya magaalada Galgakacyo ayaa maalmahaan kor u kacaya xili madaxda xukuumada Puntland sheegtey in amniga guud ee gobolka wanaagsan yahay.

Ururka Al-shabaab ayaa dilalka noocaan ah la beegsada saraakiisha Puntland gaar ahaan magaalooyinka Galgacayo iyo Bosaso.

Magaalada Galgacayo ayaa sidoo kale maamulka gobolka, degmada iyo Booliska ayaa  waxaa soo dhexgaley khilaaf sababey iney habacsanaan gasho howlihii amni sugida degmada.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM