Gudoomiyihii hore ee Nugaal oo ka hadley xil ka qadista [Dhageyso]

Image

GAROWE Feb 1,2015 [ GO]- Gudoomiyihii horre ee Gobolka Nugaal Cabdiqani Xaashi Cali "Bumbo" ayaa wareysi uu siiyey Idaacadda Garowe waxa uu kaga hadlay sida uu arko in xilka laga qaado isaga oo howlo shaqo u tagay maalmo ka hor dalka dibadiisa .

Bumbo ayaa sheegey inuu soo dhaweynayo xil ka qaadistiisa islamarkaana u hambalyeynayo gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka Nugaal Cabdulaahi Ciise Aw axmed.

Waxa uu sheegey isagoo ku faraxsan in xilka laga qaadey balse ku wanaagsanayd in isaga oo jooga dalka laga qaado  si uu u wareejiyo masuuliyadda iyo shaqada maamulka Gobolka Nugaal.

Cabdiqani Xaashi Buumbo ayaa ka gaabsadey inuu ka jawaabo sababta madaxweynaha Puntland xilka uga qaadey isaga oo wadanka ka maqan isagoo xusey in Dastuurka u taalo islamarkaana ku qanacsan yahay shaqada laga qaadey.

Madaxweynaha dowlada Puntland ayaa tan iyo intii uu la doortey sadex wareegto ku soo saarey isku-badalka maamulka gobolka Nugaal.

Dhageyso Gudoomiyahii hore ee Nugaal oo la hadlay Radio Garowe

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM