Haweenay katirsanaan jirtay ciidanka Puntland oo la dilay

Image

GALKACYO, Puntland- Haweenay katirsananaan jirtay ciidamada dowladda Puntland, ayaa saaka waabarigii hore lagu dilay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, xilli la sheegay inay u socotay xarun ganacsi oo ay ku gadi jirtay cuntada fudud.

Marxuumad Warsan Faarax Yacquub, ayaa waxaa dilay qof ku ku hubaysnaa mid kamid ah Qoryahay fudud, waxaana wararku tibaaxayaan in kahor intuusan dilin isku dayay inuu dhibaatooyin kale u gaysto, balse is-difaacid ay samaysay kadib uu ku dhuftay hal Xabo taasoo sababtay inay goobta ku naf-weydo.

Ninkan oo ilaa hadda habtiisa la aqoon ayaa wararku sheegayaan inuu baarasho kale u gaystay dad kale oo ka agdhawaa goobta Warsan lagu dilay.

Lama oga falkan inuu xiriir la leeyahay kuwii hore ee ay magaalada Galkacyo ka gaysan jireen kooxo loo malaynayo inay xiriir la leeyihiin Al Shabaab iyo in kale.

Toogashada ayaa ka dhacday Taliska qaybta gobolka.

Majirto cid loo soo qabtay kiiskaas iyadoo aysan wax war ah kasoo saarin maamulka gobolka iyo kan degmada Galkacyo.

Warsan Faarax ayaa waqti haatan muddo laga joogo katirsanaan jirtay ciidanka Booliiska gobolkaasi mudug.

Amniga Galkacyo oo muddooyinkii dambe wanaagsanaa ayaa ka dhacayay dilal qorshaysan kuwaasoo lagu bartilmaameedsanayay saraakiisha ka agdhow madaxtooyada iyo shakhsiyaadka hal-doorka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM

Madaxweyne Deni oo Tusaale U Noqday Dagaalka Argagixisada Soomaaliya

Tallaabadan ayaa muujinaysa taageerada ballaaran ee shacabka Puntland iyo guulaha muhiimka ah ee ay gaareen ciidamada.

  • Puntland

    29-01-2025

  • 09:16AM