Hawlgallo dad lagu soo qabqabtey oo Garowe laga sameeyey

Image

March 11, 2015 (GO)- Ciidamada amniga gobolka Nugaal ayaa hawlgal ay magaalada Garowe ka sameeyeen kusoo qabtey dad lagu soo eedeeyey inay ku hawlanaayeen khalkhal gelinta amniga.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal Axmed Cabullaahi Samatar (Layli) oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay in ciidamadu hawgallo ay maalmihii u dambeeyey sameeyeen kusoo qabteen ku dhowaad toban qof oo qaarkood lagu soo eedeeyey inay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

Mar la weydiiyey sababta xilligan kusoo beegtay hawlgalka, Taliye Layli wuxuu sheegay in laamaha ammaanku heleen xog hoose oo sheegaysa in xubno ka tirsan Al-shabaab ku dhumaaleysanayaan Garowe islamarkaana qorsheynayaan falal ka dhan ah ammaanka.

Dhanka kale, taliyuhu wuxuu baaq u direy qaybaha kala duwan ee bulshada isagoo ka codsadey inay si dhow ula shaqeeyaan booliska una soo gudbiyaan xog kasta oo sahli karta adkeynta nabadgelyada iyo ka hor tegista falalka ammaanka lidka ku ah.

Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Alloore oo labo maalmood kahor hadley ayaa isna ugu baaqey bulshada inay laamaha ammaanka si fiican ula shaqeeyaan.

Ammaanka magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa soo xumaanayey laga soo bilaabo bishii January ee sanadkan 2015, waxaana xusid mudan in Al-shabab weerarro dhowr ah ka fulisey magaalooyinka Bosaso iyo Galkacayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM