Hawlwadeenada maxkamadaha PL oo shaqo joojin sameeyey

Image

December 20, 2014 (GO)- Shaqaalaha maxkamadaha Puntland ayaa maalintii afraad shaqo joojin ku jira kadib markii ay mushaharaadkoodii waayeen muddo saddex bilood ah.

Sarkaal ka tirsan maxkamadda Gobalka Nugaal oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa Garowe Online u xaqiijiyey arintan.

Mas'uulkaasi wuxuu intaas ku daray in shaqo joojintu sii socon toona ilaa iyo inta ay mushaharaadkooda helayaan.

Docda kale warqad amar ah ayay maxkamaddu u gudbisay xafiiska madaxwayne ku xigeenka Puntland ilaa iyo hadana wax jawaab ah lagama bixin.

Waxaa Garowe Online u suurageli weydey xiriir ay isku dayday inay la sameyso Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland si ay arintan wax uga weydiiso.

Ciidanka ayaa sidoo kale ka cabanaya inaysan bilhii lasoo dhaafay dowladda Gaas kahelin xaquuqdoodii, iyagoo sheegay inay adagtahay in sidan lagu sii shaqeeyo.

Cabashooyinkan is biirasaday ayaa kusoo aadaya xilli dhowaan la ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2015 wasaaradda maaliyaduna sheegtay inuu jiro dakhli badan oo la filayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM