Hay'da bisha Cas ee dalka Imaraadka Carabta oo xoolo qaybisay

Image
Image

Sep 25, 2015 (GO)- Dawlada Imaaraatka carabta ayaa ka fulisay mashruuc xoolo qaybin ah maalinimadii Arbacada  deegaanada Puntland gaarahaan magaalada Bosaso.

Ugu yaraan 1000 qoys oo reerkiiba ka koobanyahay 5 qof kana mid ah dadka gudaha ku barakacay [IDP] ayaa loo qaybiyay hilibka Ciidul Adxa oo ay ku deeqday hay’ada Bisha Cas ee dalka Imaaraatka Carabta. 

Hawshaaan ayaa hawl-wadeeno ka ahaayeen, Samafayaal gudaha ayaa waxay u qab-soontay siwanaagsan. Kadib markii laga soo baxay Salaada Ciidul Adxa Waxaa la bilaabay gowraca xoolahaas iyagaoo ay goob joog ka ahaayeen wakiilada Bisha Cas ee Imaaraatka Carabta iyaga oo furay mashruuca qaybinta hilibka. Kadib markii la dhameeyay qaliinkii  ayaa waxaa mid mid gacanta looga galiyay qoysaskii baahnaa ee kaararka la siiyay iyada oo mid walba loogu geeyay meeshii ay daganaayeen. 

Dadweynihii Hilibka loo qaybiyay ayaa waxaa wajigooda ka muuqday farxad iyaga oo u mahad celiyay hay’ada bisha Cas ee  dalka Imaaraadka Carabta sida hagar la’aanta ah ee ay marwalba u garab taagantahay walaalahooda Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee ma ahayn markii u horaysay ee dawlada Imaaraadka Carabta iyo hay’ada bisha cas ay ka fuliyaan mashaariic khayri ah guud ahaan Somaaliya gaar ahaana Puntland.

GAROWEONLINE, Bosaso

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM