Hay'ad caalami ah oo bogaadisay Miisaaniyada Punland ee 2020

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxwyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Xafiiskiisa ku Qaabilay Madaxa Hay'adda Global Education Partnership Mr. Morten Sigragade iyo Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa waxaa ku wehelinaayey kulankaasi masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, Madaxa arrimaha Waxbarashada Midawga Yurub ee Soomaaliya, Hay'adda UNICEF, Care International iyo Hay'addo kale.

Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Hay'adda Global Education Partnership ayaa ka wadahadlay tayaynta iyo kor u qaadidda Waxbarashada, taageerada beesha caalamka ee arrimaha Waxbarashada iyo shirka dib u eegista Waxbarashada Puntland.

Sidoo kale masuuliyiinta hay'addaasi ayaa waxay bogaadiyeen qoondada Dowladdu ugu dartay miisaaniyad sanadeedka 2020 tayaynya Waxbarashada Puntland.

Dhankiisa, Madaxweyne Ku-xigeenka wuxuu uga mahadnaqay beesha caalamka taageerada ay ka geystaan Waxbarashada Puntland iyo guud ahaan dalka.

Weftigan ayaa beri ka qayb gelidoona Shirka dib u eegista Waxbarashada Puntland oo sanadkiiba mar la qabto, kaasi oo ka furmidoona caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe.

GO + Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM