Hooyada dhashay gabadha isku gubtay Nauru oo waraysi bixisay [Daawo]
GAROWE- Hooyo Xaali Ismaaciil Aadan, waa maamada dhashay gabar 21 jir ah oo [03 March, 2016] isku gubtay xero lagu hayo dadka magan-galyo doonka ah jaziiradda Nauru ee dalka Australia, waxayna ka warbixisay dhibaatada soo gaartay inanteeda.
Wariye katirsan Idaacadda Radio Garowe[Axmed Cawil], ayaa hooyadan kula kulmay magaalo madaxda Puntland ee Garowe, wuxuuna kawaraystay xaaladda gabadha is-gubtay iyo waxay kala socoto, iyadoo sheegtay in muddo ku dhow Sideed sano aysan ka warhayn halka gabadheedu joogto, balse dhawaan loo soo sheegay in dhibkaasi soo gaaray.
"Waxaa la ii soo sheegay gabadhayda dhibka ku dhacay, waxaa la ii soo dhigay shaashadaha, Argagixisaa igu dhacday, waxaana u damqaday sida dadka kale ee muslimiinta iyo gaaladuba uga naxeen...Waxaan joogay waqtigii la ii sheegayay magalada Wajaale, sidaas awgeed dhibka ila soo darsay warbixin faah faahsan ma bixin karo," ayey tiri hooyo Xaali.
Xiriir la'aanta labadooda ayay u aanaysay inay ahayd duruufta dhaqaale ee qoyskeeda haysata, waxayna sheegtay in gabadhaasi la dhasheen 8- carruur ah oo ay xustay inay nolosha uga raadiso iibinta khudradda.
"Magaceeda waxa la yiraahdaa Hodan Yaasiin Barre, waxaana iigu dambaysay sideed sano ka hor, mana jirin xiriir ilaa waqtigaa na dhexmaray, sababtoo ah Agoon ayay noqotay, duruufo adag ayaa soo wajahay, anigu ma haysan taleefoon aan kula xiriiro,"Ayay hooyo Xaali hadalkeeda raacisay.
Socdaalkeeda Garowe, ayay ku macnaysay inay tahay qaabkii looga caawin lahaa la kulansiinta gabadheeda, oo ay sheegtay inay aad u jeclaan lahayd, iyadoo codsatay in loo dhammeeyo passborka ay kaga tagto waddanka iyada iyo carruurteeda.
Bulshada Somaliyeed iyo dowladda Australia ayay u dirsatay dalab ah in laga taageero qaabkii loogu gayn lahaa gabadheeda dhiban.
"Waxaan dowladda Australia ka codsanayaa in aniga iyo ubadkayga i kaxeeyaan oo ay isoo tusaan gabadhayda hooyo, sababtoo ah dhibkeeda waan la murugoonayaa, inkastoo la ii sheegay inay cafimaad ahaan soo wanaagsanaanayso,"Hooyada dhashay gabadha is gubtay ayaa sidaas codsatay.
Murugo iyo illin ayaa indhaheeda ka muuqday markay waraysiga bixinaysay maamo Xaali oo kasoo kicintay magalada Wajaale.
Cabdiraxmaan Jamac Cismaan, Guddoomiyihii hore jaaliyadda Australia, ayaa sheegay in dhibka gabadhaasi gaaray uusan ahayn mid kooban, balse uu codsanayo in laga wada qayb qaato gurmadna loo sameeyo qoyskan danyarta ah.
Dhacdada gabadhaasi ayaa aad looga dareemay dunida, waxaana la isweydiiyay sababta ku kaliftay iyadoo dalkaasi lagu tiriyo waddamada ugu dhaqaalaha roon ee dadka Somaliyeed aad ugu badanyihiin, waxana hooyada dhashay oo ka jawaabtay ku micnaysay daryeel la'aan soo wajahday.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARAYSIGA HOOYO XAALI
GAROWEONLINE