Hotel cusub oo laga dhagax dhigey magaalada Garowe [DHAGEYSO]

Image
Image

GAROWE, April 11,2015 (GO)- Ra’iisul wasaaraha dowladda Federalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo uu wehlinayay madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhagax dhigay hotel weyn oo cusub laga dhisidoono magaalo madaxda Garowe.

Hotelkaan oo ay dhisayaan ganacsato u dhaltey Puntland ayaa waxaa ku bixi doona aduun gaaraya 10 malyuun dollar kaasoo lagu magacaabi doono Palm Hotel and Resort.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole ayaa dhulka hotelkan laga dhisayo bixiyey iyadoo dhismahan uu  ku dhowaan doona xarunta madaxtooyada Puntland ee Garowe.

Madaxdii dhagax dhigtay Hoteelkan ayaa sheegay in uu yahay mid caalami ah qaybna ka qaadan doona hormarka ganacsiga Puntland iyo guud ahaan Soomaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM