​Howlgallo ka socda magaalada Garowe [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Magaalada Garowe ee caasumadda Puntland, waxaa muddooyinkan ka socday howlgal la xariira dhinaca ammaanka iyo hormarka kasoo laga dareemay guud ahaan daafaha degmada.

Howlgalkan oo isugu jira laba dhinaca ayaa lagusoo beegay xilli dhawaan la filayo in Puntland uu yimaado Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Baaritaano u badan habeenkii ayaa ciidamada ammaanku ka sameeyaan gudaha magaalada iyodoo la hubinayo gaadiidka iyo dadweynaha saaran.

Inkastoo aan faah faahin laga bixin ujeedka ka dambeeya in arrinta la sameeyo, hadana dowladda ayaa goor sii horaysay sheegtay in kooxda Al Shabaab dhibaato amni ku hayso guud  ahaan Somalia.

Dhinaca kale maamulka gobolka iyo kan degmada oo is-feer socda, ayaa wada bur-burinta dhismayaal sharci darro ah oo laga dhisay waddooyinka magaalada xilli la filayo in qaybtood la saaro Laami.

Duqa degmada oo goor sii horraysay la hadlayay warbaahinta, ayaa wacad ku maray inay dhulka la simi doonaan dhammaan dhismayaasha soo galay Jidadka iyadoo aysan jirin cid loo aaba yeelayo.

Balse, Guddoomiyaha gobolka Nugal, Cumar Faraweyne oo uu wehelinayo Taliyaha la dagaallanka Argagixisada iyo Mukhaadaraadka Puntland Muxiyadiin Axmed Muuse, ayaa saaka cagaf galiyay guryo ku yaalla magaalada xilli duqa degmada Garowe isna uu waday howlgal noocaas oo kale ah.

Lama oga sababta keentay in gobolka iyo degmadu shaqadaas wada qabtaan xilli howlaha caasumadda ay u xil-saarantahay in dowladda hoose.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday waqti muddooyinkii dambe magaalada Garowe ay kusoo badanayeen falal la xariira furashada Mobillada iyo khilaafaadka ka dhasha dhulka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM