Idaacada Radio Garowe oo lacag ku wareejiyey Masjid ku yaal magalaada Garowe

Image

GAROWE, Puntland- Toddoba kun iyo shan boqol oo doollar ($7500) oo bishii Ramadan laga uruuriyey barnaamij toos uga bixi jiray Radio Garowe aya maanta lagu warejiyey guddiga horumarinya Masijka Alraxma ee Garoowe.

Barnamijkan oo uu soo jeedinayey wariye Ibraahim Wadani ayaa Lacagtii laga uruuriyey waxa maanta wareejiyey Agaasimaha Radio Garowe Axmed Cawil Jaamac wuxuuna sheegay in Idaacaddu ay sii xoojinayso barnaamiyada noocana ee waxtarka u leh ummada .

Guddiga Masaajidka Alraxma ayaa u mahad celiyey maamulka ,shaqaalaha daadihiyihii barnaamijkan iyo dhagaystayaasha Idaacadda oo lacagtan ku deeqay iyagoo ku soo dirayey Acount u gaara adeega lacag dirista Telephonada uu u furnaa.

Barnaamijkan oo dhawrkii sanno ee la soo dhaafay uu Radio Garowe uu qabanayey bilkasta oo Ramadaan ayaa Masaajida lagaga caawiyaa in la geliyo qaboojiyeyaal,Albaabo iyo roogag tayo leh.

HALkA KA DHAGEYSO AGAASIME AXMAD OO Ka HADLAYA 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM