Isbitaalka Badhan oo qalab caafimaad loogu deeqay

Image

January 18, 2015 (GO)- Isbitaalka guud ee magaalada Badhan ayaa la gaarsiiyay qalab caafimaad oo ay ku deeqday hay'adda UNICEF.

Xildhibaan Cabdixakiim Dhooba-daareed iyo Xildhibaan Axmed Xaashi oo labaduba ka mid ah Barlamanka Puntland ayaa sheegay in qalabkaan uu baahi wayn uqabay isbitaalku, loona baahan yahay in bulshada loogu adeego.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ciyoon oo ka hadlay munaasabaddii qalab wareejinta ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay qalabkaan ay xildhibaanadu dadaalka galiyeen, isagoo dhanka kale u mahadceliyey Hay'ada UNICEF ee qalabka keentay.

''waxaa runtii aad ugu faraxsanahay qalabkaan isbitaalka looga shaqayn doono oo bulshada loogu adeegayo...qalabkan waxaa iska leh bulshada gobolka Sanaag oo dhan waana in la dhowraa si fiicanna looga faa'iideystaa'' Guddoomiyaha gobolka Sanaag ayaa sidaas yiri.

Odayaashii iyo qaybihii kale ee bulshada ee joogay munaasabada qalabkaas lagu wareejinayay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin qalabkan isbitaalka lasoo gaarsiiyey maadaama uu wax badan ka bedeli doono adeegyada caafimaad ee isbitaalkaasi bixiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM