Isimo ka soo jeeda Sool iyo Cayn oo Muqdisho gaaray

Image

BUHOODLE, SOmalia- Qaar ka mid ah madax dhaqameedka gobollada Sool iyo Buuhoodle ayaa gaaray magaalada Muqdisho ujeedada safarakooda ayay xogo aan ka helayno waxay sheegayaan in tahay inay ogadaan mawqifka DF Soomaaliya ee gobolladan ku aadan.

Isimadan oo la shiray Siyaasiyiin iyo waxgarad Muqdisho ku sugan oo ka soo jeeda deegaanada Sool iyo Buuhoodle ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay la kulmaan madaxda ugu sarraysa Dowladda Federaalka Somalia.

Isimada ayaa waxaa ka mid ah Garaad Cabdirisaq Garaad Soofe, Boqor Cabdullaahi Axmed Cali, Garaad Maxamuud Cusmaan Mashqare, Garaad Saleebaan Buraale iyo Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed lama saadalin karo natiijada ka soo bixi doona wada-hadallada ay la galayaan madaxda Dalka madaama kala qaybsanaan siyaasadeed ay ka jirto deegaanadan.

Xasaradaha siyasadeed ee deeganada Sool, Sanaag iyo Buhoodle ayaa muddo toban sano ka badan soo jiitamyey waxaana toddobadyadii tegay dib u curiyey hishiiskii Somaliland ay Hargaysa kula gashay Khaatumo oo inta badan Isimada gobolladaasi ay ka hor yimaadeen.

Maamullada Puntland, Somaliland iyo Khaatumo ayaa deeganadan wada sheegta intooda badana waxaa xilligan gacanta ku haya maamulka Somaliland halka Puntland aysan weli ka hadlin hishiiskan iyo xiisadaha siyasadeed ee ka aloosan degaanadaan.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ollolihii doorashada 2014 ballan qaaday soo celinta xarunta gobolka Sool iyo shirweyne lagu midaynayo bulshada deegandas iyo guud ahaanba Puntalnd.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM