​Isimo ku shiraya magalada Garowe

Image
Image
Image

GAROWE- Isimo kayimi magalada Qardho ayaa kulamo la qaadanaya isimadii dhawaan ku shiray magaalo madaxda Puntland ee Garowe, waxayna ka wada hadlayaan arrimo ku aadan khilaaf ka taagan shirka la sheegay inuu ka furmayo xarunta gobolka Karkaar ee Qardho.

Isimada caasumadda Puntland soo gaaray, waxaa hogaaminayay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam, oo u jeedkoodu yahay sidii isimadii ku shiray Garowe ee diiday shirka Qardho loogu qancin lahaa inay madashaasi tagaan oo ay ka laabtaan go'aankoodii hore.

Kulankaasi majirin wax natiijo ah oo kasoo baxay, balse isimada loo yimid ayaa dalbaday inay tashi ka sameeyaan qorshahaas.

Duub-dhaqameedka martida loo yahay ee Garowe ku sugan ayaa qado u sameeyay isimada dhinaca Karkaar ka yimi, waxaana hadda u socoda kulan labaad iyagoo ilaa hadda la isku mari la'yahay aragtida lakala qabo.

Xogta soo gaaraysa Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaysa in natiijadii kasoo baxday kulankii ay yeesheen isimadii ku sugnaa Garowe ay ku gudbinayaa shirka socda.

Majirto faah faahin dheer oo shirkaasi laga helayo, balse GO ayaa ogaaday inay labada dhinac aad u kala aragti duwanyihiin, waxaana isimada ka yimi Qardho aad ugu ololeynayaan in duub dhaqameedka Garowe ku sugan ka qayb galaan shirka la iclaamiyay.

Natiijada kulankaasi kasoo baxa Garowe Online ayaa dib idiin kasoo gudbin doona

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM