Iska hor imaad khasaare geystey oo ka dhacay duleedka Galkacayo

Image

January 21, 2015 (GO)- Hal qof ayaa ku dhintey labo kalena way ku dhaawacmeen iska-hor-imaad deegaanka Abaarreey oo dhanka waqooyi magaalada Gaalkacayo kaga beegan ku dhex maray ciidamo kawada tirsan kuwa Dowlada Puntland.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamada Birmadku weerar gaadmo ah kusoo qaadeen ciidan kale oo qaab beeleed u abaabulan balse horay loo qarameeyey kuwaasoo isbaaro dhigtay meel u dhow Abaarreey.

Qofka dhintay iyo labada kale ee dhaawaca ah ayaa dhammaantood ka tirsan ciidamadii dagaalamay.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo Garowe Online khadka telefoonka ugu waramay ayaa sheegay in deegaanka Abaarreey ay xilligan ku sugan yihiin ciidamadii qaab beeleedka u abaabulnaa ee horay u joogey kuwii Birmadkuna dib uga laabteen.

Ciidamada ammaanka gobolka Mudug ayaa hawlgallo ay hadda kahor dhowr mar sameeyeen ku burburiyey isbaarooyinka sharci-darro ah oo yaaley inta u dhexeysa degmooyinka Burtinle iyo Gaalkacayo. Isbaarooyinka waxaa dhigta mileeshiyaad hubeysan oo hab beeleed u abaabulan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM