Issimada gobolka Barri oo soo dhexgaley khilaafka dekada Boosaaso

Image

BOOSAASO- Warar warsidaha GO ka helayo Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Issimo ka tirsan gobolka Barri soo kala dhexgaleen muranka u dhexeeya ganacsatada iyo saraaskiisha dowlada Puntland kaga sugan magaalada Boosaaso.

Madax dhaqameedkaan ayaa wararka sheegayaan in habeenkii xaley 29 nov, 2017 fiidkii kulan kula qaateen gudaha dekada magaalada Boosaaso Wasiirka Wasaarada Dekadaha iyo saraakiil kale oo ka tirsan gobolka Barri kuwasoo ay kala hadleen sida xiisada taagan loo qaboojin lahaa islamarkaana miiska wadahadalka la isugu soo noqon lahaa si loo xaliyo khilaafka taagan.

"Issimada soo booqdey dekada waxay waydiiisteen Wasiirka Wasaarada iyo saraakiisha kale in doonyo khasab looga furey dekada maalintii shaley kuwasoo loo ceyriyey badweynta in dib loogu soo celiyo duleedka dekada Boosaaso taasoo ay aqbaleen saraakiisha dowladu." sidaas waxaa GO u sheegey sarkaal u shaqeeya dekada magaalada Boosaaso.

Doonyahaan oo tiradooda gaareysay ayaa ahaa kuwii joojiyey dajinta badeecadaha markii ganacstada ka biyo diidey isbadalkii lagu sameeyey Tariifada laga qaado badeecadaha kuwasoo khasab looga furey gudaha dekada maalintii shaley. 

Dhinaca kale Issimada ayaa balan qaadey in ganacsatada ka codsanayaan in maalinta Khamiists ah dib u furaan suuqyada magaalada Boosaaso inta lagu guddo jiro wadahadalka u dhexeeya labada dhinac.

Dekada magaalada Boosaaso oo xiran maalintii sadexaad ayaa khilaafka u dhexeeya labada dhinac cirka isku shareerey kadib markii maalintii Arbacada albaabada la isugu dhuftey xarumaha ganacsiga magaalada Boosaaso taasoo aad ugu careysiisey saraakiisha gobolka Barri.

Madaxweyne Gaas oo ku sugan dalka Ethiopia ayaa wararka warsidaha Garowe online soo gaaraya sheegayaan inuu dib ugu soo noqonayo Puntland maalinta Jimacaha iyadoo weli aysan cadeyn halka uu kasoo dagayo ( Boosaaso & Garowe).

GAROWE ONLINE

 

 
 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM