Itoobiya oo qunsul u soo magacaabatay Puntland

Image
Image

GAROWE, Puntland – Dowladda federaalka Itoobiya ayaa Degnachew Yitbarek u soo u soo magacowday in uu noqdo qunsulkeeda xafiiska ay ku leedahay magaala madaxda dowladda Puntland ee Garowe.

Yitbarek ayaa Axada maanta ah wuxuu booqdey madaxtooyada maamulkan xubinta ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, halkaasoo uu ku qaabilay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Qoraal lagu daabacay barta Facebook ee Madaxtooyadda Puntland ayaa lagu yiri: "Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Qunsulka cusub ee Ethiopia ee Puntland Mr Degnachew Yitbarek".

Qunsulka cusub oo haysta waaya-aragnimo dhanka diblumaasiyadda iyo xiriirka Soomaalida ah ayaa bedelaya Mabratu Waldo Aragay kaasoo xilkaas hayay tan iyo sanadkii 2019-kii.

Puntland iyo Itoobiya ayaa iska-kaashada dhanka ammaanka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-dhiska hay'addaha dowladda iyo ganacsiga.

Shirkadda Duulimaadyadda caalamiga ah ee Ethiopian Airlines ayaa duulimaadyo toos ah waxay ku timaadaa degaanadda maamulka Puntland gaar ahaan garoomadda diyaaradaha casriga ah Garowe iyo Boosaaso.

Duulimaadyada ay shirkaddan ku timaado garoomada Puntland ayaa sarre u qaadaya dakhliga gudaha iyo guud ahaan dhaqaalaha maamulkan si lamid ah waxay xoojinayaa sumcada maraadda dowlad goboleedkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM