Kalfahdiga 41aad ee Barlamanka Puntland oo furmay [ Maxaa laga filayaa]

Image

GAROWE- Waxaa magaalo madaxda Puntland ee Garowe ka furmay maanta kalfadhiga 41aad ee Barlamanka maamulkaas  kasoo uu ka dambeeyo hal fadhi aan sidaas u balaareyn.

Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa ayaa kasoo qayb galay Munaasabada furitaanka Kalfadhiga iyadoo la filayo inuu halkaas ka jeediyo khudbadiisa ugu dambeysa inta aan la gaarin Doorashada 2019.

Barlamaanka Puntland oo xubnihiisu gaarayaan 66 xubnood ayaa sidoo kale la filayaa iney bilaabaan Kalfadhigaan kadib sidii dib loogu soo dooran lahaa.

Kalfadhigaan ayaa ku soo beegmaya xilli ay jiraan warar sheegaya in Madaxweynaha Puntland iyo qaar ka tirsan Barlamanka doonayaan kororsiimo sharci daro ah.

Dhinaca kale kalfahdiga ayaa ku soo beegmaya xilli habeenkii xalay musharaxiin u tartameysa Doorashada Puntland qoraal digniin ah soo saareen.

Puntland focus group ayaa uga digey Madaxweyne Gaas in si sharci daro ah kororsiimo ugu smaeysto xilka . Halkaan ka akhri  

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM