Kalfahdiga 41aad ee Barlamanka Puntland oo furmay [ Maxaa laga filayaa]

Image

GAROWE- Waxaa magaalo madaxda Puntland ee Garowe ka furmay maanta kalfadhiga 41aad ee Barlamanka maamulkaas  kasoo uu ka dambeeyo hal fadhi aan sidaas u balaareyn.

Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa ayaa kasoo qayb galay Munaasabada furitaanka Kalfadhiga iyadoo la filayo inuu halkaas ka jeediyo khudbadiisa ugu dambeysa inta aan la gaarin Doorashada 2019.

Barlamaanka Puntland oo xubnihiisu gaarayaan 66 xubnood ayaa sidoo kale la filayaa iney bilaabaan Kalfadhigaan kadib sidii dib loogu soo dooran lahaa.

Kalfadhigaan ayaa ku soo beegmaya xilli ay jiraan warar sheegaya in Madaxweynaha Puntland iyo qaar ka tirsan Barlamanka doonayaan kororsiimo sharci daro ah.

Dhinaca kale kalfahdiga ayaa ku soo beegmaya xilli habeenkii xalay musharaxiin u tartameysa Doorashada Puntland qoraal digniin ah soo saareen.

Puntland focus group ayaa uga digey Madaxweyne Gaas in si sharci daro ah kororsiimo ugu smaeysto xilka . Halkaan ka akhri  

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM