Khamri Macmal ah oo Garowe lagu qabtay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Ciidanka la dagaallanka Argagixisada iyo daroogada oo kaashana Booliiska degmada Garowe ayaa gacanta kusoo dhigay Lix qof oo haweenay ku jirto kuwaasoo faraha kula jiray iibinta Khamri gacan ku samays ah.

Dadkan iyo Khamrigooda ayaa maanta lagusoo bandhigay taliska qaybta degmada Garowe, waxaana laamaha ammaanku sheegeen in Maandooriyahan uu ka khatar badanyahay kuwo kale ee caadiga ah.

Noo Khamrigan oo lagu sheegay Caraq ayaa la sheegay in lagu sancaynayay Kaamka Washington ee duleedka magaalada Garowe.

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska gobolka Nugaal gaanshaanle dhexe Ibraahim Maxamed Cabdi ayaa uga digay cid walba oo gacmaha kula jirta falal caynkaan oo kale ah inay tilaabo adag ka qaadidoonaan, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay ciidanka kusoo wargeliyaan waxyaabaha halista ku ah bulshada sida Qamrigaan oo kale.

Wuxuu sheegay in dadkan tallaabadan lagu qabtay xilli lagu jiro bisha Ramadaan, wuxuuna Wacad ku maray in sharciga lala tiigsan doono.

Taliyaha ciidanka la dagaalanka argigixisada Puntland General Muxyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay in shakhsiyaadkan loo gudbin doono Maxkamadda, isagoo ka dalbaday inay xukun adag ku ridaan maadama ay falkaan lagusoo qabtay Bil Ramadaan oo dadku cibaadaysanayeen.

Waa noocii ugu horeeyay Khamrigan oo lagusoo bandhigo magaalada Garowe, wuxuuna kusoo aaday xilli la xoojiyay howlgallada ka dhanka ah Dadka kariya Xaaraanta Bisha Ramadaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM

Madaxweyne Deni oo Tusaale U Noqday Dagaalka Argagixisada Soomaaliya

Tallaabadan ayaa muujinaysa taageerada ballaaran ee shacabka Puntland iyo guulaha muhiimka ah ee ay gaareen ciidamada.

  • Puntland

    29-01-2025

  • 09:16AM