Khayre, Lafta Gareen iyo Waare oo lagu soo dhaweeyay Garowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Garoowe hadda Kusoo dhoweeyey Ra'iisul Wasaaraha DFS Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Lafta-gareen, Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha DFS iyo kuwa labada maamul, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Soo dhoweynta weftiga waxaa qayb ka ahaa Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, Guddoomiyaha Golaha Wikiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Ku-xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan Puntland, Jubbaland, Galmudug, isimo, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Weftiga ayaa ka qayb gelidoona Aaska Qaran ee maanta loo samaynayo Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Abshir Faarax.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM