Khilaaf soo kala dhexgalay FAO iyo wasaaradda Beeraha Puntland
GAROWE- Warbixin ay dhawaan soo saartay hay'adda FAO, waxay kaga hadashay xaaladda beeraha Somalia iyadoo liiska ka saartay Puntland islamarkaana u aqoonsatay meelaha aan laga falan dalagyada kasoo baxa dhulka.
Xog ururintaan waxaa samaysay hay'ad lagu magacaabo FSNU oo katirsan FAO.
Arrintaasi, waxay keentay inay ka xumaato Puntland gaar ahaan wasaaradda beeraha iyadoo warbixin u qortay hay'adda una sheegtay inay leeyihiin Beero badan oo dalagyo kala gadisan kasoo baxaan.
Qoraalkaasi kadib waxaa magalada Garowe soo gaaray mas'uulka ugu sarreeya hay'adda wuxuuna kulan la qaaday mas'uuliyiinta wasaaraddaasi iyagoo kawada hadlay arrinta la qoray iyo qaabka Puntland u aragto. Balse kulankaasi wuxuu kusoo dhammaaday is-fahamwaa kadib markii FAO caddaysay inay mashaariicdeedii u wareejisay Koonfurta Somalia.
Waxay u cuskatay wareejinta mashaariicda in dadka ku nool deegaanada Puntland u badnayn beero falato, sidaasi darteed ka howl galayaan meelaha waxsoo saarka leh, sida Koonfurta Somalia.
Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Puntland ayaa ku dooday inaysan qoraalkaasi waxba kajirin islamarkaana 9-ka gobol ee Puntland beero ka baxaan, iyagoo ka codsaday inay soo arkaan islamarkaana soo booqdaan, laakiin waxay uga cudur-daarteen arrimo amnigu kow ka yahay.
Warbaahinta Radio Garowe, ayaa xiriir la sameysay Agaasimaha Guud ee wasaaradda beeraha iyo waraabka Puntland Ibrahim Xareed, wuxuuna sheegay inay isku fahmi waayeen qoraalka ay soo saartay FAO iyo qaabka looga dhaadhicin lahaa inaysan waxba ka jirin xaaladda laga qoray.
Xareed, wuxuu tilmaamay inay arrintaasi ku raacday WFP.
Dhinaca kale waxaa go'aankaasi ka hadlay beeralayda qaybtood, waxaana iskaashatooyinka ka shaqeeya gobolka Sanaag mala'awaal ku sifeeyeen qoraalka laga sameeyay beeraha Puntland iyagoo sheegay inay leeyihiin beero badan.
Waxay ka hadleen baahiyo ay qabaan gaar ahaan Ceelal ka xumaaday iyo baahiyo kale, waxayna xuseen inay u gudbiyeen xukuumadda Puntland, balse ku wargalisay inaysan haatan awoodin wax ka qabashada baahidaasi ee la dayactiri doono marka loo awood helo.
GAROWEONLINE