​Khudbado laga jeediyay Xafladda 1 Augost oo lagu qabtay Madaxtooyada Garowe [Sawirro+Muuqaal]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa lasoo gaba gabeeyay munaasabad saacado badan socotay oo lagu maamuusayay 19 sano guuradii kasoo wareegtay markii dhidibada loo taagay maamulka Puntland ee Somaliyeed sannadkii 1998. 

Xafladda oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe islamarkaana ay goob joog ka ahaayeen; Madaxweynaha, ku-xigeenkiisa, xubno kasocday golayaasha dowladda, Isimo, Culimaa’udiin, marti kasocotay hay’adaha Qaramada Midoobay, saraakiisha ciidamada Booliiska, Milatariga iyo bulshada rayidka ah.

Munaasabadda oo isugu jirtay dhowr qaybood, balse u badnayd fan iyo suugaan, ayaa gunaanadkii waxa ka hadlay madaxda dowladda iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed.

Islaan Ciise Islaam Maxamed oo ku hadlayay afka Isimada Puntland ayaa hambalyo u diray shacabka iyo xukuumadda, isagoo sheegay in shayga ugu horeeya oo u baahan in wax laga qabto ay tahay amniga wuxuuna dowladda ugu baaqay inay kasoo baxdo wixii shalay ay u dhaaratay.

“Dowladda uu madaxweynuhu hogaaminayo waxa laga doonayo waxay shalayto xilka u qaaday ayaa laga doonaya, waxay ilatahay waa tirsanyihiin waana u tilmaamantahay wixii abaartoodu tahay. Dadweynahana waxaa ay u baahanyihiin iyaga ayeey tahay inay ka shaqeeyaan, dowladdnimadu waa shacabka.” Ayuu yiri Islaanku.

Isagoo sii hadlay, wuxuu khudbadiisa ku daray, “ Puntland maanta 19 bay jirsatay waxaan ilaahay ka rajeynaya sharaf iyo qiimo in sanadka cusub inoogu dhamaaday. Ninkii Ceelka Biirta ah loo diray wuxuu yiri, war ii dhakhso lahow , oo iidhiftin lahow, oo iidhugmo lahow. waxaa lagama maarmaan ah wixii dhib u keenaya inaan ka feejignaano hadaanahay dadka reer Puntland, wixii jiritaanka iyo horumarka Puntland ahna inaan ku tillabsano. Caawa intii hore ay ahayd caawa waxaan dareemaya waxbaa ka dhiman, anigoo waxba tilmaameen waxaan rajeynaya inshallah iyadana waa iska buuxsami doontaa."

Dalka Somalia ayuu ALLE uga baryay inuu ka qaado dhibaatada, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay dalka oo mar kale hela sumcaddii lagu yaqaanay, wuxuuna shacabka Puntland ugu baaqay inay soo dhaweeyaan cid kasta oo amni darro ama abaar kasoo cararta ee soo martisa.

Guddoomiyaha Barlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi, ayaa hambalyo u dirayay shacabka Puntland, ayaa sheegay in sannadba kan ka dambeeya lagu tillaabsanayay hormar dhinac amniga iyo kaabayaasha dhaqaalaha ah, wuxuuna shacabka iyo dowladda ugu baaqay inay gacmaha is-qabsadaan islamarkaana ka shaqeeyaan sidii loo hormarin lahaa midnimada iyo qaranimada Somalia taasoo loo marayo sifo sharci ah sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu intaas ku daray in Puntland aysan gor-gortan kala gali doonin xuquuqdeen cidna islamarkaana lala simi karin maamul kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa u mahadceliyay qaban qaabiyaashii xafladda, ciidamada qalabka sida ee suura galiyay qabsoomida munaasibaddan iyo shacabka Puntland intaba.

Camey ayaa tilmaamay in Puntland tahay maamulka kaliya ee ay ka jirto hormar dhinac walba ah, taasoo uu xusay in lagu gaaray isku duubni, wuxuuna intaas ku daray in faa'idadaas lagu helay taageero katimid shacabka oo caawiyay dowladooda.

Ugu dambayntii Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo soo xiray munaasabadda ayaa jeediyay khudbad uu kaga hadlay caqabadaha ka horyimid xukuumadiisa iyo wax-qabadyada ay ku tallaabsatay, wuxuuna sheegay in Puntland-tii hore ee ahayd ha la isu yimaado oo maamul ha la sameeyo ay dhashay Puntland cusub oo ka dhabaysay himilooyinkii loo yagleelay, isagoo intaas ku daray in waxyaabo badan wali qabyo yihiin, kuwaasoo lagu gaari karo sida uu hadalka u dhigay in la is-kaashado.

Mudadii ay xukuumaddan jirtay ee saddexda sano ah ayuu Madaxweynuhu sheegay inay la kulmeen dhibaato badan oo ay ugu darantahay amniga, isagoo tusaale usoo qaatay dagalladii labada ahaa ee ka dhacay gobolka Mudug, weeraro uga yimid kooxaha Al Shabaab iyo Daacishid, halka maamulka Somaliland uu sheegay Madaxweynuhu inay dhibaato mararka qaybtood uga imaanaysay.

Gaas ayaa sababta loo carqaladaynayo Puntland ku tilmaamay inay tahay amniga iyo kala dambaynta ka jirta, wuxuuna dhowr jeer ku cel-celiyay in Puntland tahay meel qurux badan oo isku xirta guud ahaan dalka Somalia.

Madaxweynah ayaa intaas ku daray in waddanka ay ka socdaan hormarro iyo mashaariic lagu dhisayo Garoomo Diyaaradeed, Dekedo iyo dhismayaal dowladeed kuwaasoo uu xusay inay ku yimaadeen isku tashi xukuumaddu ku dhawaaqday markii ay talada Puntland qabatay.

Mar uu ka hadlayay xaaladda Somalia, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dhibka waddanka ka dhaca macnaheedu ahayn inay ka bad-baadayso Puntland, isagoo sheegay inay ka shaqayn doonaan sidii looga qayb qaadan lahaa Somalia oo mar kale cagaheeda isku taagta.

Dastuurka dalka Somalia ayuu soo hadal qaaday Cabdiwali Gaas, wuxuuna sheegay in dastuurku uu yahay hishiis bulsho oo u dhaxeeya umadda Somaliyeed sidaas darteed ay ka digayaan in cid gooni ah marooqsato oo sida ay rabto u dhigto.

Dimuqraadiyadda Puntland ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna sheegay in hirgalinta nidaamkaas lagu gaari karo hormar buuxa, isagoo sheegay in guddigii doorashada ee la sameeyay ay wadaan shaqooyinkii looga baahnaa.

Dhinaca kale Munaasabadda ayaa shahaadooyin la guddoonsiiyay xubno lagu maamuusay inay ka qayb qaateen gurmadkii loo sameeyay dadkii abaaruhu saameeyeen, waxaana kamid ahaa; Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Guddoomiyaha gobolka Karkaar, Sheekh Fu’aad iyo Guddoomiyihii hore gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigay.

GAROWEONLINE


Related Articles

Puntland iyo SSC-Khaatumo oo iskaashanaya xilli xiisad ay taagan tahay

Xasarada oo ku saabsan doorashada soo aadan ee Soomaaliya ayaa u dhaxeysa Villa Soomaaliya iyo Jubaland.

  • Puntland

    11-11-2024

  • 03:23AM

Wasiirada Puntland oo meelmariyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2025

Golaha Xukuumadda ayaa sidoo kale ansixiyey wax-ka-bedelka Xeerka Xabsiyada Puntland.

  • Puntland

    07-11-2024

  • 01:49PM