Koox hubeysan oo weerartey saaka Hotel Village Bossaso

Image

BOSSASO, Puntland- Koox hubeysan ayaa saaka aroortii weerar ku qaadey Hotel Village ee ku yaal magalada Bossaso halkasoo ay ku dhinteen ciidamo ka tirsan ilaalada Hotel ka.

Wararka ayaa sheegaya in kooxdaan hubeysan oo weerarka ku soo qaadey Hotel Village  ka koobneyd 7 qof iyadoo isku dhacaan ku dhinteen 6  ka tirsan labada dhinac.

Kooxda weerarka Hotelka ku soo qaadey ayaa wararku sheegayaan in laga diley 2 maleeshiyaad ah halka ilaalada Hotelka ka dhinteen 4 qof.

Hotelka Village ayaa dadkii daganaa kuwasoo ay kamid ahaayeen saraakiil ka tirsan shirkada DP World ayaa waxaan soo gaarin wax dhimasho iyo dhaawac ah.

Weerarka Koxdaan ayaa waxaa uu kamid yahay dilal iyo  dagaalo gaadmo ah ee kooxaha daacish iyo Al shabaab ku qaadayeen Bilihii u dambeeyey shacabka iyo ciidmaada amniga Puntland.

Dagaalkaan lagu soo qaadey Hotel Village ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxweynaha Puntland, xubno ka tirsan golaha wasiirada, shaqaalaha madaxtooyada Puntland iyo xildhibaano qayb ka yihiin olalaha dorashada magalaada Muqdishu. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM