Kulan dhexmaray Deni iyo safiirka Faransiiska u qaabilsan Soomaaliya

Image
Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaaladda Nairobi kula kulmay safiirka France u qaabilsan wadamada Soomaaliya iyo Kenya, Aline Kuster-menager.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Qunsulka Safaarada France u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Emmanuel Dagron-Halim iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland.

Shirka ayaa waxaa la sheegay in looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, Siyaasadda, Amniga iyo mashaariicda horumarin ee Puntland ka socda.

Khamiistii, Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qaabilay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto.

Diblumaasiga Ameerikaanka ah ayaa waxaa is-aragga ku wehliyey saraakiil ka tirsan safaaradda iyo masuuliyiin ka socday hay'adda USAID.

Deni waxaa dhinaciisa wehliyey masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dowladda Puntland ee Soomaaliyeed.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in wada-hadalada ay yeesheen diiradda lagu saarey xaaladda guud ee Soomaaliya iyo arrimaha Amniga.

"Si gaar ah, la dagaalanka argagixisada, kobaca dhaqaalaha, mashaariicda horumarineed ee USAID ka waddo Puntland iyo hirgelinta mashaariic horleh," ayuu raaciyey bayaanka.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa booqasho shaqo ku jooga magaalada Nairobi, halkaasoo kulamo kala duwan uu kula yeelanayo Beesha Caalamka iyo Jaaliyada Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM